Wasiirka Duulista Somalia Oo La Ogaaday Inuu Ka Been Sheegay Kulan Dhawaan Dhexmaray Madaxda ICAO

Montreal (Burco Media)­Wasiirka Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka Dawlada
Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad, ayaa safar dhawaan ku tegay Xafiiska, ICAO
Xafiiska  Nairobi waxana uu halkaasi shir kula yeeshay gabadha la yidhaado Ms
Valentina isaga oo Wasiirku u sheegay in uu doonayo in hawada Soomaliya lagu
soo wareejiyo, balse gabadhan ayaa waxa ay ku wargalisay in uu tago Xarunta
ICAO ee Montreal, Canada.


Wasiir Maxamed C/laahi Salaad waxa uu tagay Xarunta guud ee ICAO, (ICAO
Headquarters, Montreal, Canada), waxaana uu halkaasi kula kulmay xoghaynta
Guud ee ICAO Dr, Fang liu iyo Madaxa Farsamada ee ICAO Montreal Mr. Ivan
Galan, waxana uu u soo jeediyey qorshihiisii ahaa in Hawada Soomaliya lagu soo
wareejiyo, bal waxa ay ku war galiyeen in qorshaha ICAO yahay in ilaa 2018 la
qalabeeyo Madaarada Soomaliya iyo Somaliland, sida Muqdisho, Hargaysa,

Boosaaso iyo Kismaanyo, wixii intaa ka danbeeyana ay ICAO awood u leedahay in
ay sii maamusho Hawada Somaliya, ilaa inta laga heshiinaayo.
Dhanka kale waxa Shir Hawada Soamliya laga hadlaayo lagu marti qaaday
Wasiirka Duulista Somaliland oo ka dhacaaya Nairobi Kenya, balse Wasiirka
Duulista Somaliland oo hada Safar Jabuuti ah ka soo laabtay ayaa u igmaday
Wasiir Kuxigeenkiisa Guuleed Maxamed Shire oo hada isagu ku maqan.
Waxaa wakhtigan iska cad odhaadii Wasiirka duulista Somaliland ee ahayad,
“Warqad qoraal ah ayaan ka helay Xarunta ICAO ee Montreal oo waxa ay nagu
war galiyeen in aanay dhacay in ay dhinac ku wareejiyaan hawada, oo kama shaki
qabo.”