“Waxaanu Cadaynaynaa Inaan Xisbiga KULMIYE Awood Ku Yeelan Doonin Burco” Madax­dhaqameedka Beesha Biniin Axmed (Habar­jeclo)

Burco (Burco Media)­Beesha Biniin Axmed Faarax oo ka mid ah beelaha
waaweyn ee Habar­jeclo ayaa kulan ay shalay ku qabsadeen magaalada Burco
waxay kaga dhawaaqeen inay gabi ahaan beeshu taageeradii kala noqotay xisbiga
KULMIYE.
Kulankan oo ay ka soo xaadireen madax­dhaqameedka, cuqaasha, waxgaradka iyo
dhallinyarada iyo haweenka beesha Biniin Axmed ayaa ay sheegeen inay cadaalad
darro badan ka tirsadeen xisbiga KULMIYE isla markaana aanay jirin cid illaa
hadda daw bixisay, waxaanay sheegeen inay in muddo ah dhawrayeen xisbiga
KULMIYE balse hadda la gaadhay wakhtigii ay beeshu xisbiga cidlayn lahayd,
qaar ka mid ah madaxdhaqameedka beesha oo kulankaas hadalo ka jeediyey ayaa
wacad ku maray inuu xisbigu garab ka waayi doono magaalada Burco, waxaana
hadaladooii ka mid ahaa:
“waxaan dawladda uga tacsiyeynayaa garabka ay ka waday beesha Reer Biniin
iyadaana sababta leh, beeshan beel la isku tilmaamo maaha waxay ka mid ahayd
beelaha ugu waaweyn ee KULMIYE garbaha u ahaa, waxaanu u cadaynaynaa inuu
ku garab la’ yahay oo aanu Burco awood badan ku yeelan doonin, sababtoo ah
beeshu waxay tirsatay wax badan oo qaadan waa ah oo iska daba yimi, waanu
qaadan kari waynay waxyaabaha nagaga yimi xukuumadda, waxaanu leenahay
waanu ka baxnay xisbigii KULMIYE”.
Mid kale oo ka mid ah madaxdhaqameedka beesha ayaa isna yidhi:
“Beelwaynta Biniin Axmed muddo badan markii ay dib u eegtay xisbiga KULMIYE
ay aad iyo aad uga fiirsatay waxay ka tirsatay waxyaalo aad u tiro badan, cadaalad
darro, waxqabad la’aan iyo inay mugdi galisay deegaanadii reerkii u deganaa

sidaa awgeed Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu markii ay noqdeen, dulin iyo
kudkude iyo gafane iyo wax la mid ah beeshu way ka digo rogatay”.