“Xagay ku Danbaysay Wasaaradii Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu,Miyay Tahriibtay” Xooghayaha Qorshaynta Xisbiga Wadani Oo Dhaliilay Wasaarada Dhalinta Iyo Ciyaaraha Somaliland

Filed under: Featured News,Latest News |

Burco(Burco Media)+Waxaan jecelahay inaan idinla wadaago qoraal kooban oo kusaabsan doorkii wasaarada dhalinta iyo ciyaaruhu halkuu kudanbeeyeyUgu horey dalkeenu waa dal da’yartiisu ay aad u farabadantahay loona baahanyahay in awoodooda la maareeyo iyadoo caqligooda ,jidhkooda iyo hibooyinkoodaba la dhisaayo si loo yareeyo heerka tahriibka ,balwadaha ,kooxeysiga , rabshadaha iyo budhcadnimada iwm. muhiimadaas iyo doorarkaas aan soo sheegay waa kuwa loo yagleelay Wasarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Wasaaradii dhisme ahaan wey jirtaa inkastoo caasimadaha gobollada qaarkood aan garoon iyo xafiis wasaaradeed toona jirin. Hadday wasaaradii dhisme ahaan u jirto meeday shaqadii loo aasaasey ee ahayd jihaynta dhalinyarada ,diyaarinta garoomadii dhalintu kudheelilahayd tababaradii bahda sport ,baahintii maamul ee heer Qaran mid gobol ilaa heer dagmo Amaba tuullo?
Waxaan ogaaday in dhamaan dhalinyarada Somaliland ay haysato
dhibaato garoomo la,aaneed, mid qalab la,aaneed tababarna daaba! Haddaba iyadoo koobkii gobollada qabankari weyday wasaaradu faan iyo waxqabad maw noqonaysaa kulmiyaa lix dagmo isukeenay oo balidhiig ku ciyaarsiiyey oo meeday wasaaradii dhalinyarada ee xukuumada xisbiga kulmiye? Balidhiigse garoon ma leedahay? Haa mid yar oo dayacan oo bilaa dayr ah taloow May dhisto garoonka mooji?
Xisbiga kulmiye waa ku caan maamul xumada iyo isu­talowga hay’adaha dawlada.ciyaarihii kulmiyaa qabtay macneheedu waxaa weeye wasaaradii baa fashilantay siyaasiyan weeye.koobkii gobollada oo ahaa barnaamijka ugu weyn ee ciyaareed ee dalkana waa laqaban kari waayay oo dagmooyin grade D ah ayaa kulmiye u qabtayna kabasii Daran

waxaa intaa raaca garoonkii burco oo Dunsan Dayacna u dhamaaday iyo xafiiskii wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Gobolka togdheer oo hal qoys guri kadhigteen waa guulaha kulmiye.maxaa keenay dhalinta budhcada ah ee magaalooyinka waaweyn habeenkii wax ku baadha waa bilaa jihayn garoomana mahaystaan iyana wa guulaha kulmiye.

guuldarada ayuu xisbiga kulmiye guul kadhigtaa,Yaa arkay kulamadii ,kediyadii iyo koobabkii wasaaradu qabanjirtay
meelay kudanbeeyen?
Tallow ma magafayaasha dhalinta ku kalifa inay tahriibaan baa
wasaaradiina fadhiisiyey?dhalinyarooy xisbiga xukuumadiisu sidaa tahay codkiina ma istaahilaa ? Dee waa Maya .isqadiriya oo codkiina siiya cid idiinku shaqaysa .

waxaan qirayaa in 1998 kii iyo maanta wasaarada dhalinyarada iyo
ciyaaruhu kalafiicantahay oo 1998 kii ay shaqo socotay budget ka
wasaaraduna uu waqtigaa ahaa waxaan buurnayn ma dib­u­socodbaa mise horu­socodba? Adaa sheegi