XISBIGA KULMIYE BARI IYO GALBEED BA LAGA QAX BADH­TAMAHANA HORE AYUU UUGA FUR­FURTAY BY ABDI MUSTAFE

Filed under: Articles-Maqaallo |

Gudoomiyaha Kulmiye wuu arkaa sida shaxdu tahay in aan Kulmiye soo baxayn ee wuxuu ku fara adeygayaa in aan xisbiga Kulmiye laga qaadin Xisbiga Kulmiye xaaaladiisu aad bay u liidataa oo waxa bulshadu is tustay in aannu ahayn meel lagu sii jiri karo.

Reer Saaxil iyagu waxay diideen Berbera oo la xaraashay, reer Barigina wuxuu is tusay in aan Kulmiye wax mashaariic horuumar ah aannu ka samayn, Awdal na way khuura garanayaan hadii Muse Biixi yimaado in lixdii goobood Hargiesa laga xukumi doono oo diyaar uuma aha inay u codeeyaan, Hargiesa na hadal keeda daa oo xaafadihii Muse Biixi ka soo jeeday ayaa furtay xafiisyada uugu waa wayn ee Waddani leeyey. Sidaa darteed gobol ama degmo Kulmiye xoog ku leeyey ma jirto.

Gudoomiyaha Kulmiye wuu arkaa sida shaxdu tahay in aan Kulmiye soo baxayn ee wuxuu ku fara adeygayaa in aan xisbiga Kulmiye laga qaadin oo uu godoomiyahaa ka sii ahaado. Dadka ganac satada ihi waxay ku khamaaraan kolba xisbiga ay is leeyiin wuu soo baxayaa. Bulshadu iyagoo lhaat yaan ka jooga handti lunsiga iyo dhul boobka Kulmiye hadana Kulmiye kale keeni maayaan oo macquul maaha. Isku soo xoori xisbigii Kulmiye ka fur‐furay gobol walba oo ma hayo mana haybsanayo cod buuran oo uu Kursiga ku fuulo sidaa darteed Somaliland waxa u soo socda xisbi yaqaan dowga ictiraafka loo maro, oo bulshada iyo wadankana danay naya oo lagu nasan doono oo waagaa beryaa yaa waa Waddani.