XOG -Maamullaha Kastanka Borama Oo Dakhliga Kasoo Xarooday Kastamka Ku Maal Geliya Xisbiga WADDANI,Iyo Eedaymo Culus Oo Loo Jeediyay

Filed under: Community,Featured News,Latest News |

Warar xog ogaal ah oo naga soo gaadhaaya magaalada borama ayaa waxay  sheegayaan in Anay ahaynlacagtii cashuurta dawlada uu ugu maalgaliyo kuna bixiyo taageerayaasha tirada yarleh ee xisbiga wadani ee jooga magaalada borama.

Waxaa ah nasiib daro ah in kastanka borama ay joogaan dhamaan in ay isku reer yihiin ninka dusha laga keeney ee ku xigeenka u ah xisbi beeleedka wadani ,taasi oo aad moodo ineyna warba ka haynin masuuliyiinta xisbiga KULMIYE.

 

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan haddii aan si deg deg ah wax looga qaban ninka xuseen fuuf ee kastanka borama jooga ee waliba ku tagri faraaya cashuurtii umada kuna taageeraaya xisbiga wadani ,dadkana ku kala qaybinaaya xoolihii shacabka wax loogu qaban lahaa waxaa dhici doonta in taageerayaasha XISBIGA KULMIYE iney talaabo ka qadaan haddii kale waa in dawladu ay si deg deg ah u badashaa ninkaasi.

Waxaa ceebku ah xisbiga KULMIYE in dhamaan dadka laamaha muhiimka ee degmada borama ee fadhiyaa ay yihiin kuwa taageera XISBIGA WADANI kuwaasoo ku jira olole balaadhan ugu jira sidii ay u wiiqi lahaayeen XISBIGA KULMIYE.

Waxaana ka kow ah ninkaa ay qabyaaladu dhaxmartey ee haysta kastanka borama ee la yidhaahdo xuseen diiriye saban ( xuseèn fuuf).

Wabilaahi tawfiiq