Xubnaha Al­saadicuun Bil­xaq, Ma Waxaynu Xukunaa Waxaynu Ka Aragnay Mise Waxaynu Xukunaa Waxa Qalbiyadooda Ku Jira!! W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer­yare)

Filed under: Articles-Maqaallo,Community,Featured News,Uncategorized |

Xubnaha Al­saadicuun Bil­xaq, Ma Waxaynu Xukunaa Waxaynu Ka Aragnay Mise Waxaynu Xukunaa Waxa Qalbiyadooda
Ku Jira!! W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer­yare) Xubnaha Al­saadicuun Bil­xaq, Ma Waxaynu Xukunaa Waxaynu Ka
Aragnay Mise Waxaynu Xukunaa Waxa Qalbiyadooda Ku Jira!! W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer­yare)
Nabdaadsho iyo nabad idilkeenba, Alla­weyne naxariistiisa guud iyo raxmaadkiisa gaarka ahba ha inugu manaysto
dhamaanteen, Soonka bishan ramadaana dembi dhaaf iyo janno ha inoogu bedelo, intaas kadib, waa qoraal kooban oo daba
socoda ama ku lifaaqan qormo hore oo aan kaga hadlaayey ururdiimeedka Al­saadicuun bil­xaq, kaas oo dulucdiisu ahayd in
dood dhanka diinta ah lala galo xubnaha ururkan ku dhawaaqaday oo aan xadhig iyo cabudhin lugu qaadin, ciwaanka
qoraalkaas horena wuxuu ahaa

Qormadan maanta oo dulucda ay xambaarsantahay tahay “Xubnaha Al­Saadicuun Bil­xaq, Ma waxaynu xukunaa waxaynu ka
aragnay, mise waxaynu xukunaa waxa qalbigooda ku jira”, taas oo aan uga jeedo hadalo badan oo bulshadda dhaxdeeda ku
faafay, isla markaana la isla dhex maraayo in xubnaha ururkani xambaarsanyihiin “Takfiir ama gaalaysiin”, taasina waa midda
aniga iyo tiro badan oo shicibka katirsan noola muuqatey in ay tahay mid lugu degdegayo, waayo waxaan siddan u leeyahay
xubnaha sarsare ee ururkan ku dhawaaqay, sidii aan soo sheegayba waxay ahayeen kuwo bulshadda soomaaliyeed iyo
deeganadda ay kasoo jeedaan ku leh magac iyo mihnadd shaqo oo muuqata, waxaa ku jiray barayaal jaamacadeed oo intii ay
ahaayeen barayaasha aan dhaqankooda iyo ficilkoodda midna aan laga dareemahayn in ay ku abtirsadaan ama xidido hoose
la’ leeyihiin takfiir ama gaalaysiin, sidoo kale waxaa shacbiga dhego barjeeyey in xubnaha ururkani ay yihiin kuwo xarumo
ku leh gobolada dhexe ee Soomaaliya, kuwaas oo inta aan ka maqlay ay tahay “In dadkani ay aaminsanyihiin in dhamaan
bulshadda soomaaliyeed yihiin dad aan islaam sax ah ahayn, sidoo kale in aanay cunin hilibka ay gawracaan dadka islaamka
ahi, in aanay meel kula tukan bulshadda islaamka ah”, waa xubno rag, dumar iyo caruurba leh oo deegaanadaas si caadi ah
looga yaqaano, taasina waa mida maanta sida kutiri­kuteenta ah loola xidhiidhinaayo xubnahan Al­saadicuun bilxaq, waxaan
u leeyahay sida kutiri­kuteenta ah, ama sida la isla dhex maraayo, waayo weli si dhab ah bulshada soomaaliyeed umay helin
culimo ka jaahil saarta caqiidada Urur diimeedkan, taasina waa mid jahwareer ku dhex abuurtay bulshadda boqolkiiba boqol
ku abtirsadda Islaamnimada.
Aniga oo weli ku guda jira baadhitaan iyo asal ahaan asaaska takfiirka ee Soomaaliya, hadana weli ma hayo hadal aan ku
idhaah Alsaadicuun bil­xaq waa takfiir, tanina maaha mid aniga keligay igu kooban ee waxaan kamid ahay bulshadda arintani
jahwareerka ku keentay,waayoweli hadal iyo fikir ku wajahan xaqiiqadda dhabta ah ee ay xubnahani aaminsanyihiin kama
hayo afkooda, hadii aad leedahay xubnahani way hadleen oo waxay soo saareen bayaanaad iyo qoraalo ay ku cadeynayaa
fikirkooda iyo aasaaskooda, haa taasi waa sax laakiin bayanaadka ay soosaareen weli intaan arkay kuma jirto hal meel oo ay
ku sheegeen in ay xidhiidh la leeyihiin takfiirka ama gaalaysiinta, tanina waa sababta aan hadalkayga halku dhiga ooga dhigay
“Xubnaha Al­Saadicuun Bil­xaq, Ma waxaynu xukunaa waxaynu ka aragnay, mise waxaynu xukunaa waxa qalbigooda ku
jira”,qalbiga iyo laabaha wixii ku jira Alla­weyne oo keliya ayaa ogaan kara, laakiin hadii aynu nahay adoomaha tamarta iyo
taagta daran, waxa keliya oo Alla­weyne inugu galadaystay in aynu ogaan karno waxa muuqda ee qofku qabanaayo, taasina
waa mida aan daliilka uga dhiganaayo aniga iyo in badan oo bulshadda kamid ahi in xubnahan Alsaadicuun kuwooda la xidhxidhay
iyo kuwooda dalka laga mamnuucayba in khalad ama xaalad abuur looga danleeyahay.
Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah,Ma ogaan karnaa in Al­saadicuun Bil­xaq ay dhab ahaan ka mid yihiin qolooyinka ku
abtirsada gaalaysiinta dadka Islaamka ah ee takfiirka, iyaga oo bayanaadka ay inoosoo bandhigeen aan hal meel aanay kusoo
hadal qaadin gaaleysiinta umada Islaamka ah, sidoo kale intii ay bulshada dhaxdeeda ku dhex dhaqmayeen xubnahani aan soo
bandhigin talaabo ama fal ina tusinaaya takfiir, taasina waa maya, waayo inagu ma xukumi karno qalbiyadda iyo waxa ku
jira.Keliya waxaynu xaqiiqada ku ogaan karnaa inaga oo culimada layaqaan ee aynu ku kalsoonahay, hadalkoodana aynu ku meel marno ay dood iyo fikir wadaag la galaan xubnaha.
Talaabada ay fuliyeen madaxda ama maamulada deegaanada soomaalida xukumaa, waa mid u muuqata in aanay ka eegin
dhanka diinta iyo saameynta ay ku yeelanayso talaabadan ay ku qaadeen, haday tahay xidh­xidhida xubnaha ku dhawaaqay oo
Somaliland ka dhacaday iyo xanibaada ama mamnuucida ururdiimeedkan oo Muqdisho iyo garoowe ka dhacaday, laakiin
dhanka ay ka eegan ay tahay in ay ka baqdin qabaan maamuladani in ururkani ku noqodo mid sida kuwa reer galbeedku u
bixiyeen aragagixisada ee ka dagaalma meelo kamid ah Soomaaliya, sidoo kale dawladahani waxay kasii fikirayaan in urur
diimeedkani uu shaki geliyo heerka maamul iyo madaxtinimadda oo uu noqodo mid ku qabsadda kursiga iyo maamulka, ee
kamay eegin halka muhiimadu tahay oo ah diinta iyo tashuushka ay ku dhex abuurayaan bulshadan boqolkiiba boqol muslimka ah, laakiin waxaa ka dhashay talaabooyinkan ay xukumaduhu qaadeen mida bulsho badan cabsi ku abuurtay oo ah
in su’aalo badan la iska weydiiyo nimankan hore bulshada looga yaqaanay, waxan cusub ee ay keeneen taasoo keentay in
inabadan oo shicibka kamid ahi ku kala qaybsamaan.
Qaybaha xiga ee qormadan waxaan ku faaqidi doonaa insha allah, hadalada ama bayaanaadka ay soo saareen Urur
diimeedkan Al­saadicuun bilxaq la baxay, waxaanan calaamadin doonaa meelaha ama qodobada aynu ka dhandhansan karno
in gaalaysiin la xidhiidhaan, iyo wixii ku cusub dhagaheena ee ay ku dhawaaqeen, waa hadii ay ku jiraan hadaladooda, sidoo
kale waxaan isbabar dhig ku samayn doonaa idamka eebe, xidhiidhinta la isku xidhiidhinaayo qolooyinka dega gobolada
dhexe ee la aaminsanyahay in ay gaalaysiin ku dhaqmaan iyo Urur diimeedkani hadii ay jirto xidhiidh ka dhexeeya dhanka
bayaanka aynu ka maqalnay.
Wabilaahi tawfiiq