Astaamaha Guusha Iyo kuwa Guul-darada ee Xilliyada Doorashada

Filed under: Community,Featured News,Latest News |

Waa qormo si taxane ah, laba jeer Todobaadkiiba ugu soo bixi doona Wargeyska Yool, kaasoo noqon doona mid lagu gorfeeyo arrimaha la xidhiidha dhinaca Siyaasadda, sida axwaasha doorashada aqalka Madaxtooyadda ee Somaliland, dhaqaaqyada asxaabta loollanku ka dhexeeyo, doorka Siyaasiyiinta xilliga kala guurka ee cugashada Xisbiyada, iyo weliba dareenka dabahaylaha Isbedelka ee Bulshada.

 

 

Dalkastoo dunida kamid ah marka la gaadho xilliyada doorashada ama usoo dhowaado, waxa dalkaa lasoo dersaa ama soo food-saara axwaal faro-badan oo aan hore u jirin, hase yeeshee ah wax uun la kowsadday doorashada fooda kusoo haysa. Arrimahaas oo ah kuwo iskugu jira qaar Ili-ma-qabatay ah oo ah wax uu dabada ka riixayo Dabaylaha isbedelku. Waxa kaloo jira astaamo kuwa ka duwan oo iyaggu ili-qabatay ah oo xilliyada aynu soo sheegnay la arko, asbaabaha iyagga ah dadka qaarkii waxa ay u adeegsadaan sida Cilmi-felegga oo kale Shay sidii Faalka oo kale ay ku cabiran ama ku mala aawaalan dhanka guushu la jirto iyo kan guuldarada la caraabi doona.

 

 

Sida aynu soo sheegnay waxa jira habab iyo dhamo lamid ah kuwa bulshooyinka Caalamku u adeegsadan arrimahan, oo Shacabka reer Somaliland ku dhaqmaan ama u isticmaalan marka la gaadho ama lagu dhowaado xilliyada Doorashooyinka, siiba Doorashada aqalka Madaxtooyadda oo iyaddu ah mida had iyo jeer ugu xasaasiyadda badan xilliyadda doorashooyinka oo dhan. Hadaba, hadii aynu ku hormarno masaladda labaad ee mawduuceena xagiisa hore aynu kusoo sheegnay, runtiina ah habka keliya ee Aadamuhu tafsiir ama cabir kaga bixiyo arrimo markaa taagan ee weli aan dhicin, kaasoo ah mid bulshooyinku iyagoo ka tilmaan qaadanaya arrimaha kolba marka isku hagaaga ay guusha dhinac raaciyeen.

 

 

Tusaale ahaan, waxa kamid ah xisaabaha bulshaddu burjigooda isku geyso Siyaasiyiinta iyo taageerayaasha loolanku ka dhexeeyo, kuwasoo dhinacooda, waa dadka wax qiimeynaayee ugu kala suntan qaar hooda leh oo dhankii ay raacanba guuleysto iyo kuwo hadhow hoosiis ah oo iyana cidi ay maalin isla taaganba guul-daraysto. Sidaas darteed bulshada reer Somaliland iyagoo ka tilmaan qaadanaya doorashooyinkii Madaxtooyadda ee 2003-kii iyo 2010-kii, waxa jira xubno tiro badan oo iskugu jira siyaasiyiin, Ganacsato iyo Dilaalintooda oo bulshada ugu kala suntan astaamaha guusha iyo kuwa guul-darada.

 

 

Hadaba, iyaddoo hadda lagu jiro xilli doorasho oo weliba ay ka hadhay muddo aad u kooban xilligga loo cayimay inay dalka ka dhacdo doorashada aqalka Madaxtooyaddu, waxa goobaha bulshaddu ku kulanto iyo marfeshyadda-siyaasadda lagu falan-qeeyo ee dalka aad loogu hadal hayaa tilmaamaha ay dadku ku kala cabirayaan guusha iyo guul-darada Xisbiyada ee WADDANI iyo KULMIYE oo iyaggu hadda ugu fadalo cad marka si guud loo eeggo saddexda Xisbi qaran. Tilmaamaha oo ah kuwo ku qotoma ama ku fadhiya xisaab laga soo qaaday burjigeeda Siyaayiinta taageersan ama kuwa ku biiraya labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI, haddii aynu ku hormarno siyaasiyiinta burjigoodu naaf-dhaladka yahay had iyo jeerna marka guuldarada siyaasadda lasoo hadal-qaado markii-ba bulshaddu magacyadooda lasoo boodo waxa kamid ah, xubnaha ugu muuqa-dheer ee hadda ka tirsan KULMIYE iyo Xukuumadiisa sida Wasiirkii War-faafinta ee Xukuumaddii Daahir Riyaale Md. Axmed X Daahir Iyo Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda Md. Axmed Xaashi Cabdi ahna xubin ka tirsan golaha dhexe ee KULMIYE.

 

 

Labadan masuul waxay kamid ahaayeen Xisbigii UDUB, waxayna ku jireen golaha Xukuumadii Riyaale usoo dhisay kaddib doorashadii 2003-dii, sidoo kalena xilliyada waxa ay ku suntanaayeen ama lagu tilmaami jiray shaqsiyaadkii ugu dhowaa qasriga Madaxtooyadda, wallow aad ay u yarayd saameynta bulshada dhexdeeda ku lahaayeen, haddana waxay nasiib u heleen inay Madaxweyne Riyaale waqtigiisii la dhammaystan, hase-ahaatee dadka isku min-guuriya xisaabaha burjiga guul-darada, waxay ku tilmaaman inay qayb wayn ku lahaayeen guul-daradii doorashada iyo burburka markii dambe ku habsadday Xisbigii UDUB.

 

 

Dhanka kale, xubnaha guusha biliga ku leh ee mar walba ay carabka ku dhuftaan Curaafiyiinta siyaasaddu waxa ugu horeeya Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib tima-cad), oo isaggu dhinaca kalena nasiib u helay inuu xilal Wasiirnimo kasoo qabto Xukuumadihii soo maray Somaliland, waxa intaa u dheer Md. Abiib oo u can ku yahay had iyo jeer inuu geedigiisa Siyaasadda dhaqaajiyo xilliyadda doorashaddu kaabiga soo saran tahay ee dhinaca kalena Nin iyo geed, ama guul iyo guul-daro la kala garto. Taas waxa daliil u ah hayaanka xiligii UDUB uu ku tagay KULMIYE iyo hadalkii uu dhowaan saxaafadda Siiyey, kuna cadeeyey inuu mar shanaad xili xasaasi ah hayaankiisa u heenseeyey Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

@Burcomedia Office