Ku Quuso Qudhaanjooy!

Filed under: Articles-Maqaallo |

Nin kastaba wuxuu madhaxsaduu, midhihis daaqaayaa, halkuu maalka uu daajiyuu, maali dhiilkeedi, mudo aan yarayn baa togdheer, muran ka taanaaye, oo xusbiba-xusbi maaganaa, inay muquunshaanee, allay-lehe Waddani Baa Mulkiyey, Maaxdi Gobolkaase, shalay ayaan bay ahayd aad u qurux badan, oo la kala baxay, muran iyo sheeko ay si cadaan ah, saafiyoo aan madmadaw iyo shaki midna aan la ahayn, ay u kala muuqdeen Waddani Iyo Qudhmiye. wax badan baa askartu ( Waa Ina Biixi iyo Ina kaahine), ay ku daba gabanayeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuued ( Siilaanyo), oo socdaalka  Goboladda bariga ay dabadda qabsanayeen Odayga. Maanta bur iyo biyo baa loo kala baxay, odayggii sidda ceeryaanta la isku qarinaayey, illaah ha siiyo caafimaade, waa ka ku xanuunsanaaya Imaaraadka, waxana soo galay wakhtiggii la qaybinaayey kaadhakay codaynta, maxaase ka dhacay, waxa la yidhi, waayeel hortiisa baa caano loogu biyeeyaaye, waa marag madoon, mana laha dafiraad, waxa la qarin karona ka weyn, onkodka iyo hilaaca isu baxay, ee burco koone walba ku dhameeyey Calanka liinta ah ( Orange). Waxa xalay ilaa shalay ka socday Magaala madaxdda togdheer iyo guud ahaanba Goboladda bari, waa fariin aan gabsho lahayn, oo si badheedh ah wax ugu sheegaysa Mr Tolaayeey ( Waa ina Biixiye), taas oo ah “Ku quuso qudhaanjooy” , hadaad in uun wax fahmi karto, haddii kalena adaa cirka roob ku og. Hees ay wadda qaadaan Mohamed Aadan Dacar iyo Hibo maxamed, baa waxa midhaheedda ka mid ah, In Talaabsday Oo togdheer xulay, ha tilmaamin oo ha tiigsanin” hibana ay odhanayso ” Toogadaydaa lay tusaynoo, tukalaad qaban taana daayo ( waa ina biixiye), ujeedo waxa weeye, dhamaan Goboladda Bari , Saaxil, Awdal, Saylac intuba u sheega war cad haddii uu wax ku qaaadanaayo askarigu, Moroodi-jeexna way kala jeexan tahay, sidaas awgeed ishiisu ha tusto, in uu bacaad hasyto, oo uu candhuuf-tiisa dib uga liqo Kursiga. akhristaw intan yar ee afaraydda ah ku soo dhawaadda:-

Ninba taagtii, tallo iyo feker, 

Wuxu taransaday, tamar iyo rayi, 

Tuhun wuxu qabay, Tacab iyo arin,

shalay la tusyoo, in la kala tegay,

midba meel turqay, ninkii taws qabay,

ku tartanay reer, toggii qaadyoo,

tartaradda boodh, siigo tikhli iyo,

habaas lagu tuur, midna tamshluu,

ummad ugu timi, togdheer oo dhami,

ay u taagnayd, saf ay tuban-yiin,

farxad tayaliyo, tiriig loo shiday,

 tartarka ka raac, In la kala tegay,

toos u aragnoo, burco tashataye,

Allaw taageer, waatay sugaysaye.

Nin ambaday halkuu maray way ula ekoonayde, askariggii waq baa kaga dhacday togdheer, caamir waa saleelee annaa haatan caymadye, wuxu filaayey, in Burco ay laba daamoo  u kala baxdo, waa siduu ina Kaahin ugu sheegaye, riyaddii caynkaas ahayd, waxay ku dambaysay, “ALlahaw  dad ma aqaan, allahayaw dal ma aqaan, qori daad wataan ahaye, dawyo hayga raarin, laakiin waa goorma, waa goor uu galay gacan ogaadeene. dhaaxaa la lahaa, Ina Kaahin iyo Maxamuud xaashi been bay kuu sheegayaan, Ka aad meesha keenteen ee Badhisaab ku sheega ahina waa lax dhukani abaar moog, isaga laftiisii baa dhegaha iyo indhuhu soo baxeen shalay,  dhaaxaa in khiyaali iska dhaadhiciyey, uu soo hambaarburaa goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, Waxa far waaweyn oo tii burushka uu ku qori jirey shiinuhu loo sheegay, oo cadceedoo duhur ah la hor geeyey askartii kulmiye, weedh  ah  ha na suguna waxan nahay Waddaniye.

Waxa la yidhi, nin daad qaaday xumbo cuskaye, imika buu walhanayaa, oo dhafooradu cadaadeen, gunta uu soo taabay, oo wixii lagu lahaa Burco Adiga bay kula socotaa, ay noqdeen biyo col dhaanshay, oo uu ogaaday in ay tashadeen reer bari, oo ay ogaadeen in aanu waxbau soo wadin Ina biixi, qof wax maamuli karana aanu ahayn, waxa iyaka isu dhaamaana aanay jirin ummadda reer Burco ee Maxamed Ciise Arab, H.Jecelo, Iyo H.Yoonis, Sool Iyo buuhooldena fahme runtii, oo indhahoodda baa u macalina, waxan ku soo xidhay qoraalkan, Reer Bariyaw ( waa Goboladda aan sare ku soo sheegaye, waad mahaadsan tihiin, oo maanta uun baad garateen runta, khaas ahaan, reer togdheer, in aad gobolkiina wadda jir u dhisataan, waxan ku soo dabray, la socdda in aad iska jirtaan Hargaysa, oo 100% ah ta isku kiin dirta, ee idin dhex dhigta casabiyadda ay iyaku ka faa’iidayaan, maanta oo aad sidaa u wadda jirtaan, waa hoogoodda ugu weyn, waxan tahniyad iyo Hambaliyo uga dirayaa halkan ciddii soo Abaabushay Shirkii Midnimo ee H.Jeclo. H.Yooniys, weliba waxan ku dhiiri gelinayaa in ay ku sii daraan Ciise Muuse, Jibriil abokor, Makaahiil ( Way og yihiin reer shirdoon oo wa Waddani) Samaroon, Ciise, Dhulbahante iyo Warsan geli, oo intuba kaadhka cas u taagay qudhmiye, Sacad muuse intiisa badan isna hadda fahan in aanay cidi la socon, oo waxay rabaan siddii ay ugu bedeli lahaayeen Samaale. waxan ku soo jaray islaantii tidhi ” Allaw Dooro Ruqsay” Ina Biixi baa waxaas ka ruqsaday Goboladdii Bari. Galbeedna, beri hore bay ka socdeen, Gebiley baa ugu dambaysay oo uu hor kacaayo Abiib Tima-cad daraad tidhi waxan nahay Waddanioo meel uu

Qore:- Dr A .j.Ahmed.

ma.hambeeye@gmail.com