Kulmiye Somaliland oo Mida ayuu Yimid oo uu Kala tuuray. Maantana Burco Midoo Bari & Galbeed Kala Lahayn ayuu Kaar & Xanuun Ka Qaado uu Kimistii & Xaaraantii ka degi Weydey.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Kulmiye Somaliland oo Mida ayuu Yimid oo uu Kala tuuray.

Maantana Burco Midoo Bari & Galbeed Kala Lahayn ayuu

Kaar & Xanuun Ka Qaado uu Kimistii & Xaaraantii ka degi Weydey.

Kulmiye wuu Kadeedan yahay, oo Kulaykii & Kaarkii ka Jabi waa.

Kulmiye Somaliland oo Karuur & Kimis & Kaluun Wada Cunta, ayuu Kulayl & Abaar & Kaliil Kidinka

uuga soo Geliyey.

Kulmiye Umada Koob Wax Kuwada Cabta, oo Koombo Wax Kuwada Cunta ayuu kala tuuray oo uu

Kala Saraysiiyey.

Kulmiye Shicibkoo Iskaalmeeya, ayuu kala Irdheeyey oo uu Koox Keliya, Kuli Wada Siiyey wixii Koonkba

yaalay.

Kulmiye Shicibkoo Bari & Galbeedba Isku Si Uwada Nool, ayuu Kala Lulay, oo Khaatumo, Awdal State &

Kuwa Kale uu keenay.

Kulmiye Shicibkoo Isawada haysta oo Qolooyin kala Lahayn, ayuu Qabiil & Qoloqlo & Beelo ukala Qaybshay.

Kulmiye Shicibkoo Wada Nool, oo Wada Cuna Ceeshka & Kimista, ayuu Dabqado Isku Dul nool, oo Qaar Sidii

gafanaha dibreen, Qaarna ay Daqiiqdii Goyn kari la,yihiin.

Kulmiye, Kadeed, Kulayl, Tahriib, Xaaraan & Xaqul-Qalin & Xaraash, Laaluush, & Mooshin Quutayaal, Xadhig

Xabad ayuu Wadankii Wada Keenay, oo Kuli Umadii Wada Taabtay.

Kulmiye Kulaykiisa Halaga Ducayso Inuu Rabi Ina Dhaafsho, oo aanu Dib inoogu soo Celin Dibra Xumadiisa.

Kulmiye Xaaraanta & Xaqul-Qalinka & xaqdarada & Xumaanta uu buuxsaday, Ilaahaybaa Xiusaabin ee Xaak-

inkaw Hanagu soo Celin.

Kulmiye Shicibkoo Keliya ayuu Kala Tuuray, imikana Burco Bari & Galbeed Midawday ayuu Belaayo u arkaa.

Kulmiye qabyaaladii & qadhmuunkii & ayuu Qawl ka dhigtay, oo Kuwa ku qarwaaya & Hoodaale & Qolo

ayuu qarankii u Rogay.

Kulmiyaw Qaaq, Qadhmuun & Qabiil & Qolo ayaanu Nahay & Gabiley & Hoodaale ayuu Qarankii ku Qoomay

Kulmiye, Geela Isugu kaaya jira, Gaashaanbuur Laba Qole & Gabiley & Hoodaale & Qabyaalad Fool Xun oo uu

qarankii Kaga Hadhay weeye.

Kulmiyoo Qaaq, Qawlka ka soo burqanaya, Qabiil, Qoloqolo & Hoodaale & Habraha isu tegey, Hungo Madhan

& Hoog & Umadii ooy ka hadhaan weeyaan.

Anigoo qoray, ee Kulmiye Qabiil & qaran Jab, & Qudhun & kala Qaybin ayuu Wadankii ukala qaybshay ee

Shicibkoow Iska diida, oo Uf Dhaha Nin qabiil, Qudhun & Qoloqolo  Qiil Ka Dhiganaaya.

Wabilaahi Tawfiiq.

 

 

Ashaa.J@live.nl