Maayirka Burco oo ka maquurtay la-Kulanka Iyo Soo-Dhaweyntii Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Maayirka Degmada Burco Maxamed C/raxmaan Yusuf Muraad Ayaa Waxaa Soo Wajahday Culays Siyaasadeed . Kaasi oo Ku Saabsan Ka Dib Markii Beesha uu Ka Soo Jeeddo ay Gabi Ahaanba Kalsoonidii Kala Laabatay Xisbil Xaakimka Tallada Dalka Haye Ee Kulmiye.,taasina waa sababta keentay in maayar muraad uu ka muquurto la kulanka iyo Soo dhoweynta Musharaxa Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Cabdi.

Xisbiga Mucaaradka Ee Wadani ayaa isagu inbadan Gucle Orod Ugu Jiray Sidii uu Soo Jiidan Lahaa Beesha Reer Biniin ee uu Ka Soo Jeedo Maayirka Degmada Burco Md. Maxamed C/raxmaan Yusuf “Muraad” Isla Markaana ay ugala hoos bixi lahayeen Xisbiga Kulmiye. taasi oo aakhirkii keentay in Taageerayaasha Beesha Maayar Muraad ay gebihaanba Ku Biiraan Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, kuwaasoo xaflad soo dhoweyn ah loogu qabtay Magaaladda Burco. taasina ay keentay in Beesha Reer Biniin ka haajirto Xisbiga KULMIYE
Si Kastaba Ha Ahaate , haddii Maayarka Degmadda Burco . Maxamed Muraad aanu Beesha Reer Biniin ee uu ka Soo Jeeddo hal Cod ka hayn. Isku soo wada duuboo waxaan odhan karnaa waa arin sababi Karta In Maayir Muraad Xilkiisa Ku Waayo Maadama Mayar Maxamed Murad uu ahaa xildhibaankii ugu codka yaraa . isla-markaana Beeshisiina Ka Huleeshay Xisbiga Kulmiye oo Ah Xisbiga uu Hayay Booska Maayirnimo oo Xildhibaanadda ugu Tirada Badan Golaha Degaanka Burco Ka Soo Baxeen Xisbiga Kulmiye uuna lumiyey kalsooniddii iyo karaamaddii . Taasi Oo Laga Yaabo In Ay Galaafato Xilka Maayirnimo Ee Ka Hayo Degmada Burco Madaama Aanu Kalsooni Ka Haysan Beeshiisii uu Ka Soo Jeeday iyo Xisbiga Kulmiye oo isagu leh aqlabiyadda Xildhibaanadda G/Degaanka Burco.