Madaxweyne Siilaanyo & Kooxda Maafiyada ee Madhergayaasha ee madax- tooyada Xaaraanta ku daaqa, oo Cir, dhul & Bad kolkay murdiyeen, Airportkii Hargeysa usoo Miliqsanaya,

Filed under: Articles-Maqaallo |

Siilaanyo & Xukuumadiisu Xaaraan u qaad weynaa, u Hunguri weynaa, wax kaste liqe, Dekedii, Haamihii,

Guryihii, Goobihii waxbarashada, Womens Club, Maktabadii Gaand, Airportyadii, Wershedihii, Buurihii.

Bal Hadaba, siilaanyo miyuu ka xishoon waayey bal Hantidii Umada ee lagugu wareejiyey, bal adiguna wax

ka tag oo waxaad wareejiso halaguugu yimaad, Wershedihii, Schooladii, Dekedii, Haamihii, Guryihii, Imikana

Airportyadii Berbera & Hargeysa.

Hadaba, Shicibka Somaliland Hantidaa Umada ee uu Siilaanyo xaraashay wax uu ugu bedelay ma jirto, oo

ah Biyo Xidheeno, oo Wadooyinka Maalin Kasta Baaburrt ku qalibmayso ah, xiitaa Dadkii Masaakiinta ee

abaartu Xoolihii & dadkiiba taabatay ayey qaadhaan ay ku gurteen ay dib u jaxaasteen.

Sidaas Sarteed, Siilaanyo & slaantiisa Wadanka xukunta, kuwa Hablihiisa Qaba Moorgan & Maxamuud

xaashi & Cali Mareexaan, & Samsam, markay Cirkii, Dhulkii & Badii & Buurihii liqeen, wey dhergi la,yihiin

oo olol & Gaajo & ayey ka qaadeen, oo waa kuwaa maxaa hadhay, maxa ina qaboojinaya, Subxaanalaa.

Taloow Kooxdan Maafiyada, Murdiya, Madhergayaasha, Aduun dhergi waaye oo olol ayey ka sii qaadeen

xaaraantii, Aakhira ayey waxay ku dhergi, Naar, Olol & cadaab.

Bal Hadaba, Siilaanyo waxa u wanaagsan kol haduu hada Caafimaadkiisu u saamaxayn inuu Wadanka wax

ka qabto dhibaatada ay ku hayaan, Islaantiisa, Wasiiradiisa & Kuwa Hablihiisa qaba, waa ka Warqad uu sito

ku faana, waxaan rabaa inaan ka tago Magac, ee bal ha soo celiyo Hantidii Umada, Dhul, Bad & cirba leh ee

uu wareejiyey, ee uu weliba siiyey Xigtadiisa, reerkiisa & inta, ku xeeran, taloow siilaanyo muu inuun Xishood

isku dayo, Cabsi rabi & ta Shicibka isku dayo, oo uu hor joogsado Xoolaha Umada & Hantida Shacabkaba ee

la guranayo, oo Airportkii Hargeysa uun ha is hor taago, oo ha joojiyo dhismayaasha & boobka, hadii kale

bilee Siilaanyo & wasiiradiisa & Xukuumadiisa & islaantiisa & Kuwa Hablaha ka qabo ay noqon doonto

tii ay eedayeen, wixii ay liqeen, gurteen, Acountyo ku soo shubteen Daaro & duunyaba ka dgaqdeen laga

soo matajinayey, Reer Hargeysana waxaan uugu baaqaynaa, Berbera oo kale yaan la dhigan ee Mudahaarada

oo ka dhiciya reer Hargeysoow dhurwaayada dhulka hooyo & Airportka Hargeysa ( Shantii Maylka ).

Wabilaahi Tawfiiq.

 

Asha Jama