MILICSIGA WAXYEELLADII WASIIRKA DUULISTA HAWADA IYO GAADIIDKA CIRKA SOMALILAND! QAYBTA 1AAD

Filed under: Articles-Maqaallo |

Wasiir Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) waxa laga beddelay wasaaradda duulista hawada kaddib markii
lagu eedeeyay inay is-fahmi waayeen hawl-wadeennada wasaaraddii uu madaxda ka ahaa. Miyaad aragtay masuul loo beddelo cid ka hoosaysa awgeed? Waa wixii Boobe Yuusuf Ducaale uu liqi waayay 2012kii. Intii uu joogay waxa uu qortay saami ka mid ah shaqaalaha, sidoo kalena waxa uu isku deyay in uu la socdo dhaqaalaha ku dhaca bar-xisaabeedyada gaarka ah. Sidaas awgeed ayaa loo sameeyay isku shaandhayn degdeg ah, waxaana
Caddaani loo wanjaafay dhinaca Warfaafinta.
Waxa xilkii la wareegay Wasiir Cumar Maxamed Faarax oo hore xannaanada xoolaha u joogay.

Wasiirku waxa uu ka yaabay nin hore Wasaaradda Duulista madax uga ahaa oo haddana hadh iyo habeenba shir-doceedyo iyo kulanno kula jira adeegayaasha uu madaxda u yahay, kaas oo faro-gelin qaawan ku haya kobta uu qaranka ugu xil-saaran yahay. Wasiir Cumar waxa uu yidhi “Halkan (Wasaaradda Duulista iyo Madaarka) aniga ayaa qaranka uga masuul ah.

Ma fiicna in aan kugu dhex arko adiga oo aan shaqo dawli ah u soconnin ama aan xaalad dhoof (bixid/gelid) ku jirin”. Markii la arkay in aanu ahayn nin habraya ayaa xil-ka-beddel iyo xil-ka-qaadis loo kala dambaysiiyay, sidaas ayaana xayndaabkii Golaha Wasiirrada loo weydaariyay  14kii Ogos 2016ka ayaa Cali Maxamed Warancadde laga beddelay wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland,
waxaana la doonay in loo dhiibo Wasaaradda Duulista Hawada, laakiin waa uu ka cudur-daartay. “Madaxweynuhu
waa uu dhibsaday diidmadayda. Sidaas awgeed ayaan u codsaday in Safiirka Itoobiya la ii magacaabo si aan halkaas nasasho ugu qaato” ayuu Warancadde ku yidhi dad la xidhiidhay markii uu aqbalay safiirnimadii uu marka dambena ka walaacay.
Md Warancadde waxa uu ogaa in aan loo xulin Wasaarad uu xor u yahay, waxaanu ku waano-qaatay wixii gaadhay labadii wasiir ee min saddexda bilood birta lagu dhaafiyay markii ay fara-fareyeen “jiif oo jaqda” uu nin ka samaystay, welina ku leeyahay Wasaaradda Duulista. Sidaas awgeed ayaa Wasaaradda Duulista loogu magacaabay Farxaan Aadan Haybe oo oo markaas ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wershadaha Somaliland.
Waxa aynu si kooban u eegi doonnaa waxyaabihii qabsoomay muddada uu masuulkani ku magacaaban yahay wasaaradda duulista hawada, ma yahay nin 100% go’aan ka gaadhi kara arrimaha wax-ka-beddelka u baahan ee ka jira xarunta uu hagaha ka yahay? Sidee ayaa ay wasaaraddiisu uga fal-celisaa cidda dhaliisha? Sidee ayaa gu’gan uu ku magacaaban yahay wasaaradda duulista laga yeelay dhulkii madaarka?
Wasiir Farxaan Adan Haybe waxa uu gacanta ku hayaa xarun aan wax is-beddel lagu samaynnin tan iyo Oktoobar 2015ka oo wasaaraddaas laga beddelay ninkii dhisay nidaamka uu gacanta ku hayay. Keliya waxa uu maamulaa qaab-dhismeed la sii aloosay, lana sii agaasimay. Kaas oo ku habboon dano ay cid kale ka leedahay bardawladeedka uu muddada sannadka u dhaw gadh-wadeenka ka yahay.
Isku shaandhayn kuma samayn karo agaasime-waaxeeyada wasaaraddiisa. Waxa la odhan karaa waxa uu
hoggaamiye ugu qoran yahay shaqaale ka madax bannaan oo cid kale hoos taga. Tusaale ahaan xilliyadii aan xidhnaa, adeegayaasha wasaaraddiisu si aanay isaga u daba-fadhiisan jirain ayay dacwaddayda faraha ugula