SOMALILAND HAWIYE HA QANCISO

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxaad maqlaysaa Aduunku arrinta Somaliland Afrika ayuu kusoo riixay,Afrikina Soomaali bay kusoo riixday,Somaliland iyo Soomaaliya ayaa wada hadlaya waxna laguma heshiiyo ,maxaa kuu baxay boowe .
Aduunyada siyaasaduhu waxay leeyihiin dariiq toosa iyo mid dadban,arrimahana waxaa laggu bisleeyaa qololka
dambe .
– Ciise Dawlad gaara ayuu haystaa hadana Soomaali ayuu midaynayaa.
– Daarood NFD & DDSI isagaa Xukuma hadana Soomaali wayn ayuu jilayaa .
– 1960 Soomaali ,Isaaq & Hawiye ayaa mideeyay . Raysal Wasaare C/laahi Ciise iyo M I Cigaal ayaana naf hurnimo
sameeyay oo labadoodii Kursi iyo labadoodii Dawladood u huray,kuna waayay Soomaali awgeed .
Maanta Hawiye Caasimad iyo Boos ayuu haystaa Madaxwayne/Raysal-wasaare,booska kalena Soomaali buu dhex yaalaa .
Somaliland halkaa waxba ugama baanaana , sidaa markay tahay Somaliland Hawiye ha qanciso , hana ku qanciso
Soomaalidu haday midoobayso iyadoo isku meel taagan ayay midoobaysaa
( Djabouti,Jigjiga ,Mogdisho,Gaarisa iyo Hargaysa) hadii kalena mid waliba gaarkeeda ayay u koraysaaye ,Hargaysa
iyo Mogdisho Ha is fahanto .
*********************************************************************