Waxaan halkan ku Xusayaa Shan dhaliilood Muuse Biixi Cabdi leeyahay qaar koodna Caan ku yahay qof kii laba ka mid ah yeesha xil qaran laguma Aamini karo

Filed under: Articles-Maqaallo,Featured News,Latest News |

Anigoo fulinaya dalabkaa Muse biixi ka yimi
Waxaan halkan ku Xusayaa Shan dhaliilood oo kamid ah 10 Dhaliilood oo Muuse Biixi Cabdi leeyahay qaar koodna Caan ku yahay qof kii laba kamidah yeesha xil qaran laguma Aamini karo Marka horeba loomana dhiibo Xil Qaran

1- Dulqaad Maleh iyo dabeecad wanaagsan 24/7 wuu cadhaysan yahay cid ka Xanaajisayna majirto marka laga reebo wakhtiyo kooban oo laga qosliyo

2- Cadaalad Maleah Waxaad ka dheehan Kartaa Gudiyada uu Magacaabo ee xibiga kulmiye dhexdiisa Nin kii lashaqeeyayna Wuu garanayaa

3- Deeq iyo Gacan furnaan Maleh oo Gacan adayg ayaa lagu xantaa isagaana ka qirtay Xafladii Caleema saarka #Dagmada_Bali_Mataan

Waxaad og tihiin in muuse ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM runtii waanu ku faanaa ragii Qarankan Xoreeyay Xil iyo mansab Mujaahid hayo xilka u sareeya ee Maanta waa xilka uu hayo Muuse biixi marka laga reebo Madaxwayne Siilaanyo wali maan arag mujaahid ama agoon mujaahid oo ka mahad sheeganaysa Muuse Biixi

4- Khudbad wanaag San Maleh oo kalmada uu goob ka yidhaahdo Umado Deegaamo iyo Dagmooyin ayaa ka dareera

5- kalsooni tartan Malehe Mar iga reebaay Mar iga soo Qabtaay Marna isaaraay Maantana Wuxuu Marayaa ilaa Madaxtooyada ixambaara

Intaas ayaan ku soo koobayaa dhaliisha Musse inaga dalbay Waxaan rajay nayaa in uu iska saxo arimahaas

Amb Ahmed Safiina
Xoghayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta Iyo Wadamada Islaamka ee Xisbiga WADDANI