Waxaas Inaanu La Tirsano Oo Aanu Isku Mashquulino Dooni Mayno Laakiin Waanu Ka War Haynaa” Wasiirka Arrimaha Gudaha

Filed under: Community,Featured News,Latest News |

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon Ayaa digniin u diray Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Khaatumo oo shirar ka soo horjeeda wadda hadalka ay Somaliland kula jirto maamulka khaatumo ka wadda magaalada muqdisho.

 

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland  ayaa sheegay in ay ka war hayaan ficiladda amaanka lidiga ku ah ee laga soo abaabulayo somaliya waxaana uu yidhi.

 

 

“Waanu maqlaynaaye Waa Waxa uga hirgala waxooguna waa iska hadal ayaanu ku nidhi oo xamar ayay joogaan jawaabtooda iyo isku mashquulintooda waxaas ay warbaahinta ka shubayaana doonimayno inaanu latirsano,lakiin waanu ognahay waanan ka feejiganahay diyaarna waan u nahay waxkasta oo ay sameyeen umana arko qaar wax samayn karayee.

 

 

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata wasiirka arimaha gudaha Somaliland waxaana uu yidhi.”niman jooga muqdisho oo sheeganaya deegaanada buuhoodleh ayaa leh shir ayaanu ku qabanaynaa deegaanka,lakiin anagu somaliyadda kale waxba odhan maynee waxaanu wax odhanaynaa kuwa somaliya jooga ee shirka ku hawlan waxa ay la yimadaana waanu arki oo waa loowadda joogi doonaa,si wayna hawshaas waanu uga hortagaynaa”.

 

Burcomedia/Office