Xagee Bay Salaadu Ka xidhmi La’dahay?

Filed under: Articles-Maqaallo |
Rag waakii kufee, kub kiyo bawdada ka kala jaba, kabta ee hadana kaca, waa xikmad aad u qiimo badan, oo loo daliilsan karo, aumuuro fara badan oo leh ujeedooyin kala gedisan, waliba loo isticmaalo, mararka yaalaaba ay wax si noqdaan, ee uu khalad dhaco, cida markaas samaysayna ay isku canaanato,
iyaka oo raba in ay dib u saxaan, farsamooyinkii ay ku galeen waxa ay ka dhaxleen, talaabaddii ay ku dhaqaaqeen ee  dhaliyey khaladka. Marka dhibaataddii soo baxdo, ka abuurantay khaladkii ay galaan, siddii ay falaw-geed u qaban lahaayeen aarayn teedda, waxa ka qabashda waxa ay diidan yihiin, oo ah talo xumaan, siyaasad khariban, khasaare maal iyo duunyo ahi marka ay qoobka ku dhuftaan, waxa waajib ah, oo khasab ku ah ciddii  saamaysay, dib uga tabaabul-shaysiga ay ka taxadirayaan wixii soo gaadhay, oo uu u  tafa xaytaa in uu ka soo kabto, tusaale ahaan, marka uu guri burburo oo uu qoyskii dhisnaa,  ee reerku ka koobnaa ay kala tagaan, baa midba gaarkii, uu dib u xusul duubaa,  in uu mar kale dib u dhiso nolosha ama reer kale ha sameeyeen, ama ha isku noqdeene, hadaba aan isku soo xooriyo’e, gun dhiga cinwaanku waxa uu tilmaamayaa, marka ay kaa murkacato xaajadu, waxa lagama maarmaan ah, in uu qofku guntiga dhiisha iskaga dhigo, una  maleegto siddii uu ugu soo noqon lahaa caadi, isaga oo ka digtoon in ay  dhacaan wixii uu markii hore, ka artata-baysan waayey, ee halkaas uu jooga dhigay, soona yareeyey rajaddii uu lahaa ee ka kala daadiyey.

Xagee bay salaadu Ka xidhmi la’dahay? Markan hoos u dhaadhaco ee aan ka dego aaraarta, ee aan u guda galo halka I
heemaysa ama i manakh leh, ee ay cididu igaga mudan tahay, waxa weeye, qof wuu khaldamaa mar  iyo lababa, laakiin maaha in uu weliggii iyo allahii dhex dabaasho wixii  aabahii dilay, ee waa in uu ogaadaa halka ay *Salaadu ka xidhmi la’dahay* Markuu wax isku dayoba ay bogaca iskaga rogayso,  masaa’iibtan wixii uu taabtoba, qulaan-qulshaha ka gawracaya, ee uu dhuub dun ugu geli la’yahay? qofku waa in uu xisaabtamaa, si rasmi ahna uu u dhuuxaa, cidhibta ay ku danbayn doonto, waxa uu doonaayo in uu qabto ama uu ku kaco, oo uu cawaaqibka uu dhaxli doono ka  sii fiirsadaa, haddii kale waxay tahay in uu ku talo galo, in ay fari
tog-dheer la xuli doonto, oo uu mar kale dhabarka ka jabi farsama xumaan awgeed, sidii hore ugu  dhacday aanu mar kale qofku qoobka la gelin. 

 
Waxan rabaa in aan bal idiin soo ban dhigo, oo aan tusaale ku qoro halkan ah, dhibta maanta inagu habsatay, ee inaga haysa maamulka  somaliland in ay ahayd ka fiirsasho la’aan iyo inaka oo isku maqanayn, ta  inala durugtay oo aynaan ka fekrin maxaa inoo dan ah? yaa inoo wacan?  xusbigee aan denbi hore soo gelin? yaad isku aamini kartaa? iyo wax yaabo  kale oo muhiim ah, wixii aynu kala kulanayna, waa taas aan ka nuuxsan  la’nahay, ee ilaa imika inagu jiifta hashii caweer ee cigaal shidaal, ee aan la hinqan la’nahay, waxa hadaba weli ii cad in aynaan uba jeedin, ee aan ku socono wadaddii indhaha la’ayd iyo is moodsiis aan inoo dan ahayn (Haddii aynu nahay reer Somaliland), waxa wacan markaas, ilayn hore baa loo yidhi qof nool iyo umada jiidhku kuugu yaalo, oo tabaalaysan midna lagama indho qarsado’e, in aan maantana idiin soo gudbiyo dareenkayga oo i siiyey in aan guriggii madoobaa ku sii socono, kana miisayno maskax la’aan ka xun tii hore ee aan ku jabnay, oo aad weli durbaan idiin garaaca-yaan kuwii aan eednay, ee haad iyo habaqleba lugta inoo qabtay waa kulmiye’e, cid  is waydiisayna aanay jirin.

Miiraalaa hortii baa guryaha la iska moosaaye, saw ma haboona, inta aanay seeftu mar kale ina qaadan,in aan ka digtoonaano qaran jabka, batarka beenta  ah ee baloolayda la ina maqashiinaayo, oo aan mar qudha garano waxa inoo
dan ah iyo waajibka inaga saaran horumarkeena iyo siddii aan u dooran lahayn, kuwo inoo hagar la’, daacad ah, hubno, sita xaashi cad oo aan dhagar hore soo gelin, la qaban karo haddii aynu saluugno, ma waxa aad doonaysaan, in kuwii ina kashifay ee inaga haleeyey wakhtiga aad og tihiin, ay hadana adhaxda ina sii kala tuuraan, iyagoo hore looga inaab-saday, oo la ogaa wixii
ay ina soo markiyeen, kuwa inoo kala gacan haadinayaa, waa ragii ay ka mid ahaayeen* kuwii qaranka halkaa dhigay,* ee dhiiga faraha inoo geliyey, waxa kugu khasab ah, hadaad in uun rajo doonaysid iyo darxumadda in aad ka baxdid, waa in aad is bedel aad hubtid ku dhaqaadid, oo aad ka dheeraatid maamulkan iyo winta uu cagaha ku jiito. Waa in aad tijaabisid kuwa aan soo gelin
godob iyo dhagar, loogana baqayn in ay guudkeena, hantidda ummadda ku dhabaqsadaan, horena inoo boobin.


Wadani waa Xusbiga keli ah ee aan sidda uu u dhan yahay, debeda ka ah wax yaabaha halkaas aan fadhino inoogu wacan, denbi horena aan loo tirinayn, kuna jirin rag ka soo qayb qaatay dagaaladdii sokeeye, waa xusbiga ugu daacadsan, ee og cadawga inagu xeeran, mareegaha ina cumar geele, KMG, puntland, iyo darxumooyinka la ina baday, Kumiye ka la yidhaahaa, waa aabihii dagaalkii sokeeye, raga ka dhex doobyayaana waa kuwii aynu isla garanayno, oo aan biyo is marin, bal waxa uu  Gudoomiye ku sheega Kulmiye’e uu kaa quud darayn karaa waa maxay?, miyaanu ahayn kii daraad, markuu ka soo laabtay Ceerigaabo, Beelaha Burco Isku diraayey, ee Munaafaqadda ka talinaayey, ma kaas baad rajo ka qabtaan iyaba waa yaabe?  Maxaan ka haynaa ee aan ku dooranaa? Waxan ku soo gunaanaday maqaalkan maanta, waxa dambe oo aad Kulmiye ka sugtaan, ka eegtaan, ka dhegaysataan, oo ay kuu soo wadaan kuwa aad taqaanaa iyo faa’iido ay  kuula soo socdaan midna ma jiro, In ay hantida ummadda kala eryadaan mooyee, waxa  kalena iskuma haystaan, sidaas awgeed ” talo adiga baa ku nool, ee iyadu wax kuguma qabto” ee ka faa’iidayso maanta baad midida daab-keed haysaaye, ama haku dhaafto oo beri ka daba barooro, goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo lagu legday, wax aad qaban kartaana aanay jirin.

Qore:- Dr Ma .Gabade
ma.hambeeye@gmail.com