Xildh. Siciid Salla-calee oo Afka kala Maagey Jawaab ka Bixinta Hadal Cali Mareexan ku Af-lagaadeeyey Taageerayaal WADDANI ku Biiray

Filed under: Community,Featured News,Latest News |

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa afka ka xidhay, isla markaana sheegay inuu masuul u ahaa cahdigii KULMIYE Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexan, sidaa awgeed uu uga tudhayo inuu caasha-saaro, maadaama dhinaca Siyaasadda uu ka Mici-maraaraysan yahay.

 

 

Sidaa Xildhibaan Siciid waxa uu ku sheegay Shir-jaraa’id isagga iyo Xildhibaano iyo madax ka tirsan xisbiga Waddani ku qabteen Shalay Magaaladda Burco, kaasoo dabada socday xadhig badhasaabka gobolka Togdheer uu kula kacay qaar kamid ah madaxda Xisbiga waddani ee Gobolka Togdheer, iyo sidoo kale weedho ka baxsan anshaxa iyo akhlaaqda luuqadda Siyaasadda, kuwasoo Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexan kula kufay Taageerayaal iskugu jiray Macalimiin, aqoonyahan iyo qaybo kamid Beelaha degga Waqooyiga iyo Koon-furta Gobolka Togdheer, xubnahaasoo dhowana ku biiray xisbiga xafladna loogu qabtay Magaaladda Burco.

 

 

Wasiir Cali Mareexan oo isaggu haddaba rabbay inuu duro awoodda Siyaasadeed ee Xisbiga WADDANI ka helay gobolka Togdheer, ayaa ku tilmaamay Taageerayaashii dhowana ku biiray WADDANI kuwo iskugu jiray ciyaalo-suuq iyo Caruur. Haddaba Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo arrintaa ka hadlaya, waxa uu yidhi “..Meelbay iska shabahan Ramaax iyo Cali Mareexan, Inamo yar-yar ayey Urursaddeen buu yidhi! Waar Wixii aad arkayseen ee sharafta lahaa, ee quruxda lahaa ee Waayelka lahaa ma waxa ay ahaayeen Ciyaal, taa jawaabteeda waxaan u daynayaa reer Burco. Waxan’se leeyahay Cali Mareexanow wax badan kugu tiiqsan maayo oo waan kaa mici-maraaraysanahay, oo waxan garanaya intaad le’ekeyd markad gobolka Togdheer Kulmiye u joogtay, weliba masuulkaagana waan ahaan jiray oo waad I garanaysaa, balse waxaan ku sheegaya Waagii KULMIYE aynu ahayn dadkaas uun-baa inoo ehel ahaa, markii ay inala socdeena Inalamay yar-yareyn, haday Maanta Waddani Raaceen Calow yay kula yar-yaraan ee waxan idin leeyahay sidii Daahir Riyaale reer Kulmiyow aqbala basha..”. Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

 

 

 

Burcomedia Office