Xisbiga Kulmiye, Afarta Qof ee Umadu uuga yaacdo, ee Hadaladooda ay ku Lagu Qoslo, Lagu Maadsado, Lala yaabo, oo Umadu in Badan isweydiiso.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Xisbiga Kulmiye waxaan lagu dooranayn, oo looga wada yaacay, waxay Wadankii Badan, waxay bareen ayaa

ka daran, oo ah Been, Xaaraan & Xoolo Boob, Musuq & Qabyaalad & Nin Jeclaysi & Kibir anagaa Xukuumadiiya

ana Ciidaankii & Lacagtii & Awoodii haysana, kolkaa Shicibka waanu cadaadinaynaa, waanu quudhsanaynaa oo

intaanu dhaqaalihii, Cashuurtii & Doollarki Dubai & Iimaaradka ku soo aasanaysay, ayaanu Sida Eeyga kolba aanu

idiin tuuri, qaata Laaluush, qado & qaad oo noogu codayn doontaan Kulmiye.

Bal Hadaba, Muuse Biixi markuu hadlo Umadu wey ku qosashaa, oo waa Askri Dagaal & xabad uun yaqaana oo

waakaa Qofkii Xisbiga kala gala xidhaya, kuwii yidhaa Wadani ayaanu nahay Jeelasha ku guraya.

Maxamuud Xaashi Kibir & Islweynu, & Faan & Xoola Boob & Iscajebin anigoo mooyee cid wax qabatay ma jiro,

Anigoo ayaa Idin leyn idin xidhi hadaad nago khasabtaan, ayuu ku faanaa, talaw Kibirka Miyaanu ogeyn Xiita

In yar Qudhaanjo le,eg qofkii qalbigiisa ku jirto inaanu Jano gelin, urin, ee weliba u dheertay Xaaraantii, xaqda-

radii & Xoilihii Umada oo u xalaashaday.

Wasiir cadaano oo ooyaaye, Siilaanyo & Muuse Biixi sida werdiga ugu tasbiixsada Magacyadoodo waa Muj-

aahidiin, oo intuu Oohin & Qosol gariir isku daro, aad moodo in Lagu yidhi, aduun & Aakhiro waxaad Jano

& Wanaag ku helaysaa, Siilaanyo & Muuse, oo oohintiisa & Calcaalaskiisa Umadu a Yaabto, Waa Cadaani ooyaye.

Wasiir Cali mareexaan, Jaahilnimo halkay ka gaadhay, Xoolihii Umada Xaaraan ku taajire, Ambulcyo, Gawaadhi

ayaan Tuulo Hebla siiyey, School & Dhakhtaro uu isku magacaabo anigaa bixiyey, Xoolihii 7 Cashuurtii Umada

ayuu iska dhigay inuu isagu leeyahay oo uu shaqaystay, Cali Mareexaan Hantidii Umada ayuu meel kasta ku

soo xidhay, ka dhistay, ka taajiray, Xaaraan Ku Taajir.

Cali Mareexaan weliba Kibir dartii, xiitaa ma yaqaano Hadalka oo wuu iskashifaa, Diyaaradii Dawada ahayd ee

Shubankii Bariga laga keenay ayuu ku andacooday anigaa dalbaday oo keenay, Wasiirkii Caafimaadkuna muxuu

ku jawaabay, yey cidina ku faanin cidina sheegayn Diyaarad Hay,ada Care ayaa keentay.

Cali Mareexaan isagaa aqoon daradiisa & aahilnimadiisa iska kashifa, oo isku cadeeya inuu Siilaanyo Wasiirka

uga dhigay ama meesha Qabiilnimo uugu u hayo, ee aanu u qalmin Wasiir, ee inuu Lacagaysto oo uu Xoolaha

Masaakiinta ku taajiro, kolkuu ku andacooday, Lacagtii aan wax ku qaban  weyney ayey magaalo waliba 50 KM

sees isadaba dhigtay.

Wabilaahi Tawfiiq.

 

 

Asha Jama