Xisbiga KULMIYE Oo Bilaabay Qorshe Uu Kaadhahka Codbixinta Ee Beelaha Habar-jeclo Kula Wareegayo, Ujeedada Kulamo Hargeysa Ka Dhacay + Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin Oo Dhallinyarada Beesha Kala Jiidanaya

Filed under: Featured News,Latest News,Uncategorized |

Nuxurka Laba Kulan Oo Xalay iyo Habeen Hore Ka Kala Qabsoomay Hotel Guuleed iyo Guriga Ilhaan Maxamd Jaamac, wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha bulshada

Hargeysa (Burco Media)-Habeenkii Axaddu soo galaysay ee todobaadkan ayaa waxa kulan balaadhan lagu qabtay hotel Guuleed, waxaana kulankaas isugu yimi, wasiirro, xildhibaano, masuuliyiin iyo dhallinyaro ka soo jeeda beelaha Habarjeclo.

Kulankan oo xogtiisa la ilaaliyey ayaa waxa uu ahaa kulan casho sharaf ah oo wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) u sameeyey dhallinyarada beelaha Habar-jeclo ee ku sugan magaalada Hargeysa, waxaana sidoo kale ka soo daahiray guddoomiye kuxigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin
Axmed, Xildhibaan Obama, Xasan Macallin wasiirkii hore ee Madaxtooyada wakhtigii Riyaale iyo xubno kale oo beesha ka tirsan.
Ujeedada kulankan ayaa lagu sheegay sidii ay beesha Habar-jeclo u qaadan lahayd kaadhka codbixinta isla markaana kaadhka qof kasta oo beesha ka soo jeeda uu kaadhkiisa ugu soo wareejin lahaa xisbiga KULMIYE, si uu bariga Burco uga helo cod muhiim u noqon kara guushiisa.
Wasiir Cali Mareexaan oo kulanka daah-furay ayaa muhiimadda saaray sidii ay dhallinyarada beeshu uga hawl-gali lahayd qaadashada kaadhka codbixinta waxaana uu ku dhiirrigaliyey inay ka shaqeyaan sidii kaadhadhka codbixintu usoo gali lahaayeen gacanta xukuumadda iyo xisbiga. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay
in loo baahan yahay in xoogga la saaro min gobolada Saaxil illaa Sanaag oo beeshu degto.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada wakhtigii Daahir Riyaale Xasan Macallin waxaana uu soo jeediyey in dawladda Itoobiya laga codsado inay furto xuduudkeeda maadaama dhammaan deegaanada beesha
Habar-jeclo degen tahay ee xuduudka la wadaaga Itoobiya ay xidhan yihiin marka laga reebo Ballidhiig, waxaana uu Xasan Macalin soo jeediyey in dadka Habarjeclo ee Itoobiya ku xanniban la soo daad-gureeyo si ay kaadhka u qaataan, tirada codbixiye Habar-jeclo ah ee xuduudka ka tallaabay ayaa lagu qiyaasay 30,000 kun oo qof, waxaana badi masuuliyiintii madasha ka hadlay ay sheegen inay muhiim tahay in dadkaas ay qaataan kaadhka codbixinta.
Sidoo kale Suldaan Maxamuud Guuleed oo ka mid ah madax-dhaqameedka beesha ayaa Xasan Macallin ku raacay in laga shaqeeyo sidii xadka Itoobiya muddo kooban looga codsan lahaa inay furto, si dadka halkaasi ku sugan looga soo daad-gureeyo.

Hase yeeshee Mujahid Maxamed Kaahin ayaa qorshahaasi ka gaws adaygay waxaana uu ku tilmaamay mid faro-gelinku ah dawladda Itoobiya isla markaana aanay suurtogal ahayn in Itoobiya aqbasho, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in canaan kadib uu ballan qaaday inay xukuumadda iyo xisbigu arrintaas ka
hawlgali doonaan, waa arrinta furitaanka xadkee.
Geesta kal xubno lagu sheegay guddiga qaban-qaabada ayaa xalay kulan ku yeeshay guriga wasiirkii hore ee arrimaha bulshada Marwo Ilhaan, waxaana xubnahaas ka mid ahaa Xasan Macallin, Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal,

Xildhibaan Obama iyo xubno metalayay dhallinyarada beesha, hase yeeshee noomay suurto-galin inaanu kulankaas maxsuulkiisa si dhab ah uga war helno, waxaase ay wararku tibaaxeen in xooga lagu saaray sidii loo heli lahaa dhaqaalaha lagu soo ururinayo kaadhadhka codbixinta iyo dhaqaalaha dadka lagu soo gurayo,
waxaana la isla gartay in dhaqaalaha laga soo qaado Ganacsatada beelaha habarjeclo, xubnaha Habar-jeclo ee ku jira xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.
Dhinaca kale waxa jira warar aan la xaqiijin kuwaasoo sheegaya in beesha Muusa Abokor ee Habar-jeclo ay shirkan ka soo horjeedo maadama aan lagu soo martiqaadin, waxaanay wararku sheegayaan in abaabulayaan shir kale oo ka soo horjeeda, iyagoo ku eedeeyey inay shirkan keli ku ahaayeen beelaha Maxamed
Abokor, Sanbuur iyo Cimraan, waxaana sida la sheegay ay shakhsiyaad Maxamuud Xaashi taageerayaal u ahi bilaabeen inay kulanka kala jabiyaan.
Ugu dambayn kulankan oo xogtiisa aad loo ilaaliyey ayay Shabakada Burco Media u suurtogashay inuu xog kooban ka helo, waxaana xusid mudan inay arrimahani ku soo beegmayaan wakhti ay gobolka Togdheer ka bilaabmayso qaadaashada kaadhka codbixintu.