]Xisbiga WADDANI oo Bixiyey Lacag KULMIYE Hore ugu Balan-qaadey Naadiga Akhriska Halkaraan ee Burco oo Been Noqotay

Filed under: Articles-Maqaallo |

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa bixiyey lacag dhan $1300 dollar oo maamulka naadigaasi uu sheegay in hore uu xisbiga KULMIYE ugu balan-qaadey balse uu ka been sheegay in uu bixiyo lacagtaasi uu hore ugu yaboohay.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo xubno ka mid ah weftigiisii maalmahii u dambeeyey socdaalka ku joogay magaalada Burco oo maanta kulan la qaatey dhallinyarta gacanta ku haysa rugta akhrinta kutubta ee Halkaraan ee Burco, waxaana dhallinyarta Naadigaasi ay si heer sare ah u soo dhaweeyeen guddoomiye Cirro iyo weftigiisa soo booqday.

Guddoomiyaha Kooxda Naadiga Akhriska ee Halkaraan Md.Mustafe Magaalo oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka Naadi ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada ay guddoomiye Cirro iyo weftigiisu ku yimaadeen Naadiga Halkaraan isaga oo carabka ku dhuftay in Xisbiga WADDANI yahay xisbi dhallinyaro oo inta badan caan ku ah garab gelidda dhallinyarada, waxaana uu halkaas ku soo bandhigay baahiyo uu sheegay in ay qabaan isla mar ahaantaana ay ka dalbanayaan Xisbiga WADDANI in uu u fuliyo.

“…Farxad weyn bay noo tahay in aanu guddoomiyaha iyo weftigii ballaadhnaa aanu halkan ku qaabilno, goobtana waa goob ay lee dahay dhallinyarada Burco ee aqoonyahanka ah, waana goob ay dhallinyarta Burco ka shaqeynaysay muddo sided sannadood ah in goobtan oo kale ay Burco yeelato, waana aanu soo dhaweynaynaa Xisbiga WADDANI iyo cid kasta oo runtii daneynaysa in dhallinyartu hesho meelahan iyo meelo kale oo ka ballaadhan ba. Wakhti xaadirkana Naadigani waxa uu ku dhisan yahay uun oo taageera waa Xisbiyada Qaranka se nasiib daro Xisbiga KULMIYE ooh ore balan-qaad nooggu sameeyey muu fulin, waxaana jirtay in bishii Ramadaan aanu qabaney tartan la isku dhex-gelinaayey dugsiyada waxbarasho ee Burco, waxaana tartankaas ka qeyb-galay 16 dugsi waxbarasho, intaas na saddex Iskuul waxbarasho ayaa kaalmaha hore ka galay, markaa saddexdaas Iskuul abaal-marintoodii waxa markii hore naga balan-qaadey Xisbiga KULMIYE se balantaas muu fulin, intii aanan Xisbiga WADDANI u soo gudbina na KULMIYE hada na waxa uu yidhi Xisbi kale ha u geynina anagaa intan qabaneyna, illaa hada na dhallinyarada halkaraan waxba kama hayso KULMIYE, markaa WADDANI waxa aanu ka codsaneynaa in uu dhaqaalahaas naga bixiyo.”.Ayuu yidhi Mustafe Magaalo

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan isla goobta ay ku bixinayaan qaadhaankaas lacaggeed ee bixinteeda ay u soo bandhigeen dhallinyarta Naadiga Halkaraan ee Burco.

“Waxa aan u mahad-celinayaa dhallinyarada halkaraan ee aas aastay xaruntan oo aan is lee yahay waa meelaha ay qoonta iyo ilbaxnimadu ba ka aas aasmaan, dedaal badan bay soo galeen in ay halkan soo gaadhsiiyeena waan ku hambalyeynayaa hore na Xisbiga WADDANI dhowr jeer buu halkan buugaag soo gaadhsiiyey, wixii kale ee aanu qaban karno na isha Allah waanu idin la qabaneynaa oo ay ugu horreyso in aanu jawaab deg-dag ah ka bixino dalabka maanta ee ah $1300 dollar ah sida KULMIYE na balan-qaadi meynee maanta ayaanu lacagtaa bixineynaa, waana idin la dedaaleynaa, maamulka na hada KULMIYE ayaa gacanta ku haya, Maayirku na waa KULMIYE dhulka na isagaa bixiya, laakiin waanu idin la dooneynaa wax walba.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

DAAWO, Muuqaalka Warkaas,

https://www.youtube.com/watch?v=68pDbpz2r5U&feature=youtu.be

DAAWO, Sawirada Warkaas

Image may contain: 2 people, people standingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people sitting, indoor and closeupImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 3 peopleImage may contain: 1 person, eyeglassesImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, eyeglassesImage may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 9 people, people smiling, people standing