Xukuumadani Daalimiin is urursatay oo Dadqalata weeye, Dalkii Way xaalufiyeen Dantii Guudna wada Xaraashay

Filed under: Articles-Maqaallo |

Xukuumadani Dulmiye Dalkii Wada Xaraashtay, oo Deked, Airportyo, Daaro & buuro, intay Dam ka siisay ay

Doollar Siisteen ayey Debedaha ku soo Daboosheen.

Xukuumadani Dulmiye, Dadkii Sixir-barar Dam ka siiyey, oo Gaajadu dulaysat ayey, Dalloorkii soo daboosheen

Debedaha Diyaarado ugu dalxiisaan , oo Dubai & Dahraan Damaashadayaan.

Xukuumadani Qudhmiye weeye, Wadankii quruxdaa Lahaa Qabiil & Qololo & kala Qaybin bay intaa Qarash ay

ku bixisaa oo Qabiil ukala saartaa.

Xukuumadani Dastuurkii & Xeerkii intay wada Xabaashay, ayey Xeerar ay Xoolaha ku boobto oo Xaaraana ay soo

Xariiqda oo Xildhibaano Xalaashaba aqoon ay Qalinka ugu xariiqaan.

Xukuumadani Shicibkii Somaliland wada jeclaa ayey kala qoqob & Qori isugu dhiib & Qabyaalad qaarna ay Qiimo

ugu yeesho, qaarna Colaad & Dagaal ayey Qoobabka u gelisaa.

xukuumadan Xaalashaba aqoon, Xaaraantuun ku ceeshtaa, Xaqii Ilaahay & Umadaba ilawday, Xisaabtii & xabaashi

& Xaakinkii abuuray taloow ma xussusan waayeen.

Xukuumadan Dulmiga & Duliga derjeysa, ee Daalinka Doollarkii & Daarihii wada siistay, Danyartiina Dariiqyada kuba

dhaafta, Miyaanay Daa,inkood kaba yaabin.

Xukuumadan Xaaraantuun Gurta, Xaqiiba Ilawday, ee Weliba Xarago & Faan & Kibir u xaydxaydeen, Xabaashi & Xaqii

& Xukunkii Rabbi miyaanay Xisaabtaa ku darsan.

Xukuumadan Daalimiin is Urursatay, oo Ku Damaashada oo ku Dalxiisa Xaqii & Xoolihii Umadii, ee Xaaraanta ku

Xaroogada, Xabaashii & Qiyaamihii & Qadhmuuntii Qabrigii & Naartii, Talaw Maxay Qoomamayn ay ku qalaadi.

Xukuumadan Xaaraanta ku xaragoota, Xaqdarada Isugu Hambalyeysa, Xaraasha & xoolaha Booliga Xeerar ay ku

Boobta u samaysa.

Xukuumadan Xildhibaano Xaaraantuun kuba Ceshaa, Laaluush & Mooshinka ay Xeerar ugu sameeyaan, Xoola

Booliya ku Miista.

Xukuumadan Xaqii Ilaahay & Kitaabkii & Xabaashi & xisaabtii Aakhiraba ilawday, oo Xaartuun uba Xaydeen oon

Xishoodkii Umadii & Xabaashiina ilawday.

Anigaa Qoray, ee Inta Ilaahay ka baqaysa, ee Qabiil & Waysteen ama xaqul Shaah ku hadlayn, wey og yihiin oo

way ka markhaati furayaan, Sida Wadankii Kulmiye Gude & Debed uu hoos ugu celiyey, ee aanu Dan Yar & Miskiin

ugu naxayn ee ay noqdeen Kuligood, Madaxweyne, Wasiiro & Golayaal toona Calooshooda uwada shaqaystaal  oo

aad moodo inaan Dhibaatada Shicibka Gaajada, Sixir-bararka & Dulmiga aanay arkeen, Damqayn ee maxaynu boobnaa

Acountyadee Doollar ku soo Jaxaasaan, yaan lagaa Daaro badan, yaan lagaa Xoolo badan, Subxaanaa.

Waa Xoolo Umadeed, waa Xoolo Booliya oo xiitaa Kafan aan looga xidhi karin, Xisaabtii Aakhirana sugayso iyo Xoolaha

Masaakiinta oo looga dhigayo Xansas Naarta loogu shido, Subxaanalaa.

Wabillaahi Tawafiiq.

 

 

Asha Jama