Ciidanka Jabaya Aabaanduulahaa Lagu Gartaa Warancadde+ Samaale+ Cadaani+ Cali Guray+Jamaal Iyo Cawil Mucjiso

Filed under: Community,Featured News,Latest News |

Ciidanka Jabaya Aabaanduulahaa Laga Gartaa Warancadde+Samaale+Cadaani+Cali Guray+Jamaal Iyo Cawil Mucjiso

Shacabka xorta ah ee u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn u hadal haya wafdiga kalajaanka ah ee uu hogaaminayo murashaxa xisbiga caleentiisu cadaatay ee Kulmiye Muuse Biixi safarkiisi ololaha dadban ee loo adeegsanayo baabuurta dowlada shidaalka khasnada qaranka laga bixiyo iyo weliba tiro badan oo wasiiro agaasimayaal iyo shaqaale dowladeed sida maayorka caasimada Hargeysa Solteco oo dhamaan shaqooyinkii ay qarankan u hayeen ay u soo dayaceen ololaha Kulmiye

Waxase si xiiso gaar ah leh shakhsiyaadka ka dhex muuqda ololaha faashilka ah ee Kulmiye ka wado gobolada dayacan ee Sool iyo Sanaag raga sida cadcad uga dhex muuqda ayaa ah koox ay reer Somaliland u yaqaanaan Abaanduulayaasha Guul Darroda dhamaantood meel ay galeen oo guulaysatey lama hayo mid walba xilbuu ka soo qabtay qarankan si weyna wey ugu fashilmeen xilalka ay ka hayeen dowladihii hore iyo dowladan Kulmiye ee jirta xiligan aynu soo qaadano magacyada kooxdan waxa ka mid ah Xil-mawaaye Cali Warancadde oo inta ay Somaliland jirtay mudo dhawr iyo labaatan sano intaba xil wasiir ka soo hayey wuxuu la kowsadey dowladii Cigaal oo uu wasiir ka noqday tii Riyaale wasiirka duulista hawada ayuu ahaa intaanuu isu soo sharaxin xilka murashaxa xisbiga Udub oo uu weliba si badheedh ah ugu hiiliyey madaxweyne Riyaale oo ka doortay Jamaal Cali Xuseen oo isna rabay xilkaa balse uu Riyaale ka doorbiday Warancadde nassib darro ama nassib wanaag Warancadde kumuu guulaysan xilkaa wuxuuna ahaa ragii ay Udub ku dul duntay isagoo daawanaya ka dib waxa laga war helay ku biiritaankiisa xisbiga mucaaridka ee Waddani mudo gaaban ka dib wuxuu tabay xilkii ilayn waa nin u bartay xoolaha dadweynaha in uu manaafacsado’e waa kii uu madaxweyne Siilaanyo si kedis ah ugu magacaabay wasiirka arrimaha gudaha si uu gaashaanka u daruuro xisbiga Waddani iyana xusid mudan in uu Cali Warancadde mar yidhi in ay SNM ahaayeen fulayaal xiligii uu NNS’ta u shaqayn jiray dowladii afweyne hadaba waa suaal ee siday isu qabtaan ololihiisa Muuse Biixi iyo SNM waa fulayaal musharaxa se waa kii hore uga caban jiray ereyadan ee miyaa laga wada xaalay sidee weeye xaalku
Sheekh Samaale wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumada Siilaanyo ka horna ahaa Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka Somaliland ayaa iska casilay xilkaa wasiirnimo isaga oo ka biyo diidanaa qaabkii loogu afduubay Muuse Biixi musharaxnimada xisbiga Kulmiye shirkii golaha dhexe halkaana uu meel adag iska taagay inta aanu si reernimo ugu soo gacan gelin inaadeerkii Muuse Biixi sida uu aabihii hore ugu balan qaaday musharaxaas
Caddaani waa shaksi aan aqoon sare iyo mid hoose toona lahayn balse ku wanaagsan habka loogu nacamleeyo qofka hogaanka haya si uu xilka u sii hayo waayo wuu ogyahay in aanuu xil dambe qabanayn Muuse Biixi oo madaxweyne noqda mooyaane waana sababta uu sida xagjirnimada leh ugu ololeeyo isaga oo aan wax taageero ah ka haysan beeshiisa oo raacsan Cirro
Cali Guray waa siyaasi aan qabay in uu noqon kari lahaa nin isku keena bulshada mucaaradnimaduna dhab ka tahay isaga oo Udub la saftay guushii Kulmiye horteed halkaana ku waayay xil uu qaban lahaa kana luntay fursad uu kula jaan qaadi lahaa xisbul xaakimka burburkii Udub ka dib Cali Gurey wuxu ku biiray xisbiga Ucid oo uu dagaal jilbaha ay isu dhigteen Kulmiyehan maanta la galay ka dib laalaabidii murashaxnimada Jamaal dad badan oo aan ka mid ahay waxey qabeen in uu Cali si toos ah isaga xaadirin doono xisbiga kaliya ee mucaarad ee hadhay Waddani haseyeeshee fajiciso ayey ku noqotay dadkii taageeri jiray maalintii uu ka iska dhiibay kambuulka Kulmiye halkaana ay dhab ku noqotay maahmaahdii Fiqi Tolkii Kama Jano Tago
Jamaal Cali Xusseen isaga waxa inagaga filan dagaalkii siyaasadeed ee qadhaadhaa sida wadajirkana ugu soo qaadeen kooxda Kulmiye ee uu horkacayo Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe si looga tuuro xilka musharaxnimada Ucid oo aan loo helin labo musharax oo ka soo wada jeeda beesha Subeer Awal halka ay danta kooxda Kulmiye ku jirto in had iyo jeer jiraan labo xisbi oo Garxejis ah si loo wiiqo cududa codka beeshaas aan u soo laabto musharax la gawracay Jamaal halkii uu ku aarsan lahaa codka xisbiga Mucraadka ee Waddani Jamaal isaga oo dhuumanayoo ku biiray Kulmiye kuna micneeyay Muuse Biixi Geelahaa Isugu Kaaya Jira waa isda uu hadalka u dhigaye ninkaana waxaynu ku sagootineynaa maahmaahdii Cigaal Shidaad ee ahayd Geedyahaw Ma Waxan Ku Moodayey Mise Waxaad Noqotay Mise Waxaan Loo Noqon Doonin.
Muwaadin ragan soo tiriyey waa saleel’e waxa intaba isku fuuqsadey Abaanduulaha sare ee New Kulmiye talow waayo ninkaasi waa kuma ma nin ku cusub siyaasadaa ma nin hore uga tirsanaa Kulmiye kacaanka hortii mise waa siyaasi la kowsadey ma yahay kuwa haatan la dhacsan kacaanka shamaciisu sii bakhtiyayo maye inatba maaha waa masuul xil sare ka soo qabtay dowladii Riyaale ka hor intaana wuxu ahaa basaas neceb SNM oo afweyne u basaasi jiray ururka xaq u dirirka SNM ahaana safiirkii afweyne ee Kenya u fadhiyey muwaadin masuulkani wuxu sheegtaa qoraa in uu yahay balse buugaagtiisa lama helo wuxu ahaa shaksiyaadka sida ba’an uga soo horjeeday madaxweynaha xiligan Siilaanyo marna yidhi Siilaanyo wuxu ka dambeeyey dilkii labo Mujaahid oo qaali ku ah halgankii barakaysnaa waa Gudoomiyihii  SNM C/Qaadir Koosaar AUN iyo Marxuum Mujaahid Aadan Shiine waagaas Cawil Mucjiso oo uu madaxweyne Siilaanyo u bixiyey naanaystaa ayaa isagu islahaa fooda isu gali dadka walaalaha ah oo dalka dagaal sokeeye ha ka dhaco balse madaxweyne Siilaanyo ayaa ku gartay oo aan u jooqin kuna aamusiiyey erey qudha oo ah MUCJISO hadaba mucjisadaas oo la la aasay Udub yaa naxashkeedi ka soo saaray oo yidhi ii ololee? Musharax ragan hore u soo wada gubtay ummada hore keenayaa miyuu is yeelyeelayaa mise sidan baaba ka arrin ah