Habarta Maaliyadda maxaa heestii Sahro Halgan u geeyey ?.

Filed under: Articles-Maqaallo |

waar illeyn qof  weyn oo xishoodkii ka dhammaadey waa tan oo kale?. Waar islaantan afarta indhood leh ee labo quraaradda yihiin yaa yidhi waa (MUTACALLIMAD) aqoonyahan ah?.        

 

                                                       Waa yaabe maxay uga jeeddaa Heestii Sahro Halgan iyo Cabdi Naasir macallin cayddiid ee qiimaha badneyd ee ay ku dhex rafatey ?.                   

 

   Waa yaabe islaanta sam-sam miyaaney iney qof dumara oo xil haysa isu arkin waxan oo munaafaqad maxay ku faleysaa?.                                

 

      Hessta Sahro Halgan iyo Gabeygii Garriye iyo hadraawi is weydaarsadeen oo ay kelmedo kasoo bililiqatsatey ayay xaflad kulmiye dumarka u qabtey (iyaba waa cajaa-ibe) ay kasoo tirisey iyadoo ka dhigeysa iney iyadu leedahay taasoo ceeb ku ah haddeyba kasayso.    Xaqiiqdu waxay tahay haddii sharci dawladeed oo xooggani jiro in qofkani aaney ummad wasiir u noqoteen ee jeel ayay ku geli lahayd kicinta iyo munaafaqadda ay ku talaxtagto ee caadada ka dhigatey. Waxaynu ogayn in sannad ka hor ay xaflad Kulmiye reer u qabtey ay si badheedh ah u tidhi Somali land waa Naato iyo Waarso oo doorashada beelo halloo dhigo. Haddey qof (ACADEIMC) ah tahay ama ay sharci ilaahay iyo diin wax ka taqaanno dammiirkeedu muu siiyeen dadkaaga waxa noocaas ah isla hor taag oo dadkii aad ka dhalatey kala qaybi.          

 

    Dadka ay ku dhego hadleysaa heesta iyo gabeyga ay kala lahaayeen inantayada qaaliga ah ee xushmadda iyo ixtiraamka wayn naga mudan ee aanu jecellahay ee SAHRA HALGAN  iyo abwaankayagii shariifka ahaa ee GAARIYE  ilaahay qabriga ha u nuuree naguma diri karto qofka noocan ahi iyo weliba beesha aanu walaalaha nahay ee ay iyadu ka dhalateyba    

 

 

                         Ugu danbeyn dadka reer Somaliland ha ogaadeen dadkii ugu tayada liitey ee ugu aqoonta xumaa ee ugu qabyaaldda iyo munaafiqadda badnaa in ay yihiin kuwaas manta xukumaaya waana cadho ilaahay oo idinku dhacdey ee shacbiga Somaliland ilaahay ha u toobbad keenaan kuwana ilaahay ha weyddiistaan inuu sharkooda dhaafiyo waayo iney madaxa isu geliyaan Ayaan waxba ku ahayn.                                          Allaahuma najinaa-min-sharri kulmiye.

 

 

yuusuf hirsi