FASHILKA Siyaasada Arrimaha Dibedda Kulmiye

Filed under: Articles-Maqaallo |
FASHILKA SIYAASADA ARRIMAHA DIBEDDA EE XUKUUMADA KULMIYE
Qormadii 2aad
“DAYAXA IYO DUGSIGU ISKU BEEGANAA”.
… Bishii July 2009 ayaa Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxammed C/laahi Cumar uu socdaal ku tegay Dalka Maraykanka kadib markii uu raacdo dheer u galay la Kulanka Xildhibaan Donald Payne.  Wuxuu fursad u helay inuu la Kulmo ninkaas Somaliland cadhada u qabay kadib markii Xukuumadii Daahir Rayaale ka gows adaygtay shirkaas uu rabay inuu Maamuladii Soomaalida isugu keeno, kana dhex bilaabo wadahadal dhexmara Maamuladaas kala duwan.
Socdaalkan waxa uu Dr Cumar ugu soo gogol-xaadhay kulan dambe oo dhexmara Xildhibaan D Payne iyo Gudoomiyaha Kulmiye ee wakhtigaas Axmed Maxammed Siilaanyo oo Bishii January 2010 kulan ku dhexmaray Washington DC.
Kulankan oo labada dhinac kaga wadahadleen arrimo badan oo xasaasi ahaa, wakhtigaasna ka taagnaa Mandaqada ayaa ahaa xuduntii iyo bar bilowgii Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliwayn ee muhmalka ilaa hadda ku jira.  Waxay ahayd balanqaad uu Xisbiga Kulmiye galay inay ka qaybgeli doonaan shirar Dalka Soomaaliya Dawlad dhexe loogu yagleeyay islamarkaasna Roadmap loogu samaynayay xal u helida khataraha Dalka Soomaaliya ka jiray.
Xisbiga Kulmiye wuxuu walhtigaas aad u dhaliili jiray Siyaasadii Arrimaha Dibedda ee Xukuumadii UDUB, wuxuuna ku tilmaami jiray mid fadhiid ah oon Qorshe dhaw iyo mid fog toona lahayn.
Xaqiiqduna marka maanta halka xaal marayo loo eego, Somaliland waxay lahayd wakhtigaas Wakiilo firfircoon oo Qadiyada Somaliland aad ugu dhaqdhaqaaqi jiray waxaana ka mid ahaa Professor Iqbal Jhazbhay oo South Afrika u joogay, aadna uga hawlgeli jiray Ururka Midowga Afrika. Waxaa kale ka mid ahaa AHN Maxammed Nuur Indhabuur, Nairobi, Kenya, Dr Sacad Sheekh Cismaan Nuur, USA iyo Muuse Jibril, London, UK, Yuusuf Jaamac Buraale, Addis Ababa, Ethiopia iyo qaar kale badan, waxaana jiray yididiilo iyo rajo.
Aan u soo noqdo dulucda qoraalkee, Waxaa Bishii June 2010 loo dareeray Doorashadii Madaxweynaha oo ay ku loolamayeen Madaxweyne Daahir Rayaale, UDUB, Axmed Maxammed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe.  Waxaana guulaystay Axmed Maxammed Siilaanyo iyo Xisbigiisii Kulmiye.
Bishii July 2010 wuxuu Siilaanyo si nabadgelyo ah oo aad u qurux badan Xilkii ugala wareegay Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin.
Waxaanu soo dhisay dawlad kooban marka loo eego tii uu wakhtigaa bedelay waloow aanay ahayn mid isku dheelitiran marka laga eego dhinaca Sinnaanta iyo Wax-Wadalahaanshaha.   Tusaale ahaan, waxay Wasiirada uu xushay u badnaayeen Beesha Dhexe iyadoo ay weliba u sii badnaayeen Beelo lagu xaman jiray xulafanimo gaar ah, inkastoo Madaxda xukuumada kaga jira Beelahan la xaman jiray arrinkaa dhawaan mugdiga ka saareen, madal furan oo Warbaahinta Qaranku joogtay, Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixina xaadir ku ahaayeen ka caddeeyeen inay ilaa 1954kii xulafo ahaayeen.  Inkastoo aanay sheegin sababta xulafanimadooda dhalisay iyo cidda ay iska xulafaysteen toona.
Xulafadan ayaa kala qaybsaday dhammaan Wasaaradaha iyo Haayadaha muhiimka ah sida Wasaaradaha Maaliyada, Arrimaha Dibedda, Waxbarashada, Macdanta iyo Biyaha, Duulista Hawada, Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo qaar kaloo badan.
Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo Wasiirka Arrimaha Dibedda u magacaabay Xoghayihiisii Arrimaha Dibedda Dr Maxammed C/laahi Cumar.  Wuxuu islamarkiiba iclaamiyay Wasiirka cusubi in xukuumada Kulmiye dariiq cusub u jeexayso Qadiyada ictiraaf raadinta kasoo uu ugu yeedhay (dual engagement policy) isagoo sheegay inay Wadahadal la furi doonaan Dawladii Ku-meel gaadhka ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxaa la yaab lahayd in markii Kulmiye talada dalka la wareegay Wasiirka Arrimaha Dibedduna soo bandhigay Siyaasadan cusub uu dhiggiisa Soomaaliya ahaa Maxammed C/laahi Oomaar oo ay Wasiirka isku deegaan kasoo wada jeedaan.  Waxaa kale oo ka sii yaab badnayd in labadooduba xubno firfircoon oo Golaha Fulinta ee Xisbiga Kulmiye ka wada tirsanaayeen kana soo wadashaqeeyeen Xisbiga Kulmiye intii aanu Maxammed C/laahi Oomaar Muqdisho xilka u doonan…
 “Dayaxa iyo Dugsigu isku beeganaa”.
La soco Qormada 3aad.
Maxammed Aw Yuusuf
guun51@hotmail.com
Sent from my iPhone