Kulmiye oo laga Huleeley, Kulmiye Laga Hadaafay , Kulmiye laga Haayamay. Sawtan Gorygii Ka Hadaafay, sawkuwan Gega Madhan Dhex Jiif, Sawkuwan Cir & Dhulkii ku ciiray, Sawkuwan Ku Cataabay, Cidla Ciirsilaan Fadhinaaye, Alaw yaa Cid noo bixiya.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Xisbigii Kulmiye wuxuu ku heesaya, Waynaga Ciirsantee Taladu Cayn Wareegsatee Anaga, Culaysabaa Na

Saarmee Alaw Wadani & Shicibka Is wada raacay halkeen uga cararnaa.

Kulmiye Cuqabadii Dadweynaha & Iscufkii & Cabudhintii Anagaa aalamkaba u haysana, Sawkaa Ciil & Wey

& Calaalcal, ay ku cabaadayaan, ee Wadankii ay Wada Xaraasheen, Cali-Mareexaan Maankii ka Raacay Dhulkii

Yaan Baloodh ku Seegin Talaw Aduunyo Dhulkii Wada Cunye, Aakhiro Dhulkuu Kolkuu Qoorta Iskaga Duubo

ma Cantaba & Cayda uu Tv,yada sla soo Taago ayaa Ka Caymin, Ilayn Ciqaabtii Dhulkii Cidi ka caabin maysee.

Siilaanyo Odeygii Isaga Kol Sariirtaa La Saaraa, Kolna Xaashio & Warqqao ayaa Jeebadaha looga soo Buuxsha

Kolkaasuu Shicibka Akhris Sidii Macalinkii Ardaygiisa ka dhegeysanaya Casharaka uu Shicibka Xaashiyo Dhaadheer

oo uu ku mergado ku miigta Hadalka uu Mikirufoonka uu ka akhriya., waa Cajiib.

waa Cajiib, cajiibey la yaabay, Bal Kulmiye Caynkii & Baydiiba u go,een, oo Umadii Ka Yaacday, oo Ciroolihii ka

cadhooday, oo Caruurtii ku heestay, Kulmiyoow Kadeed Badane, Kulmiyoow Kala Tuure Umadii, Kulmiyoow

Kelyihii & Beerkii Wadankii ee Dekedii Berbera, Xaqul-Qalin & Qashin ku iibsade, Kulmiye soo Kuduud ume

Sawtaa Lagaa tegey, oo lagaa hayaamay, oo lagaa huleeley, ee Wadani & Barwaaqo & Bar Caleenle & Doog

Beeshii u hayaantay, ee Guri Caskaagii & dadkii aad Gumeysay, Geyigii aad Xaraashtay & Xaqii Umada ee aad

Xabaashay,& Xaaraantii Ku qaraxdayee Umadii Xawaare Dheer kaaga orodee Wadani & Wanaagsii soo Socda

uwada riyaaqdee, ugu heesay, Nuurka soo widhwidhayaa, waa Wadani, Wadadii aqoonsigu Waa Wadani, Ka

Wax Qaban Karaayaa aa Wadani.

Kulmiye, Ka Fur-furo, Ka Caraw, Ka Dhaqaaji, Ka Buldhe, Kolk Hadii Lagu yidhi, waxba kuuma yaalaane hasoo

kuduud Xumaane Intaan, Kawaanka & Maxakmada Denhaag Ama Heeg lagu saarin, Ka Qul-qul, Wadada ku

qulqul.

Wabilaahi Tawfiiq.