Kulmiye Sawkaa Hungoobay, sawkaa Ka Huleeley Wadankii, Sawkaa Hankiisii Saqiiray, Sawkaa Hatidii Wadankuu Xaraashay, dekedii Xaqul-qalinkuu Ku iibsaday, Qaadhaankii Abaartii uu Ka Xishoona Waayey, Xaaraantii & Dulmigii uu ku Heesay, Ilaahay uu Ku Karbaashay, ee Uf, Uf, & Ka Furfuro Umaduu ku Heestay.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Kulmiye Kadeedka Maanta Haysta, Kuudud Xumada uu La Soo Kambadhuudho, Waa Kaaraahiyadii Umada.

Kulmiye Ilaahaybaa Karbaashay, Been, Xaaraan, Dulmi, Xaqdaro, & Kibirkii ayuu Keyn Cidla Kuuududaa.

Kulmiye Kolkuu Ku Heeso, Kaalaya na doorta, Miyaanu duligii & darxumadii Dadka uu baday, aanu Dareemayn.

Kulmiye, Dalkii wuu wada dubtay, oo Daawuhuu Wada Saaray, oo Deked, Daaro, Dugsiyo, Doolaar buu wada-

Siistay, Kolkaasu ku Daaninayaa Kulmiyaha Dambe ayaa Daranyadaa idinka reebi.

Kulmiye wuu Dawakhay oo Xaaraantii ayuu Dihan waayey, Kolkaasuu Kulmiyaha Cusub ayaa Kadeedka idinka saari.

Kulmiye, Wuu Karbaashay Umadii, oo Sharcigii Wuu Kufsday, oo Wadankiina Xaraashay, Umadiina Duleeyey, oo

Danyartiina Bakhtiyeey, oo Sixir-bararkaasi Wuu Ku Farxaa, Kolkaasuu Kulmiye & Muuse Doorta yidhaa.

Kulmiye Kurka & Kelyaha & Korkaba Waxay Sidii Koran Geela uuga Naaxeen, Waa Xaaraantii & Xaqul-Qalinkii.

Kulmiye Ilaahay & Umada ma Xurmeeyaan, Aakhiro Ma Xusuustaan, ee Xaaraanta Waabay Ku Faanaan.

Kulmiye, Wadankii & shicibkiiba intay Kadeedeen ooy kala tuureen, ooy Kawaanka Wada saareen ayey kulmiye

alaanu nahee Kol kaleeto na doorta ay Ku soo Kambaynneynayaan.

Kulmiye Xaaraantii & xaqdaradii & Xumaantii Kolkii ay dihaan waayeen, Damqan waayeen, ayaa Ilaahay Ku

Karbaashay In Shicibkuba kaba yaaco, oo Cidla ay kuudud xumadaan.

Shicibku wey ku heesayaan Dooran Mayno Kulmiye Dilaal Dalkii, Dekedii & Daarihii & Dariiqyadii Wada Iibshay.

Kulmiye Dooran Mayno, Dadkii & Danyartii Abaartii Dul taalay, Doollarkii Loogu Deeqay, Dubai ku soo dabooshay.

Kulmiye Dooran Mayno, Xaaraantii & xoolihii Umadii Xalaashaday ee Weliba Xariifiin Isku Mooda, Xariira.

Kulmiye Ma Xishoodayaa, Xaaraanta Ku Faanayaal, Ilaahay & Xisaabtii Aakhiro Ma Xusuustayaa, Danyarta & Shic-

ibkaa Bakhtiyaaya Xaqoodii Dubai & Dalal Shisheeye & Debedaha ku soo Aastayaal.

Kulmiye Kitaabkii ay Wada Mareen, Kadaabiin, & Beenayaal, ku Bedeley Xaaraan, Xaqdaro, Dulmi & Diktarnimo

ayey Weliba ku daaninyaan, Daacad baanu Nahay, Weysadii & Salaadi nagamay jebin, ee na doorta, oo na aamina

Dadlkii & Dadkii aanu xaraashay & Xoolihii aanu xadnay Kulmiyihii Hore, an Dambaa soo Celin Doonee, Na Doorta

Mar Kaleeto, oo Kulmiyaha Cusb mar labaad ugu cesha.

Wabilaahi Tawfiiq.