Shacabka Somaliland Munaafaqa, Beenaalaha, Dhiigya cabka, laaluush Qaataha & Ka Xaaraanta ku Kaambayn gareeya, ayey Sacabka u Tumaan kolkaasaa Ilaahayna Ku Karbaashaa, Dulmiga & Duliga ay u hiiliyeeen.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Xisbiga Kulmiye & madaxweyne Siilaanyo ayey Shacabka Somaliland uuga hiiliyeen Xisbigii Udub &

Daahir Riyaale, kolkaasay dhexda farta qaniineen, Kolkii RRU, Habeen Badh loo diray, Kolkii Dekedii

Guryihii, Haamihii, wershedihii, Shooladii meel kasta uu Siilaanyo Xaraashay, Kolkaasay Qoomamaeeyeen

Qabyalaad & Wasiiro Adeero uu Siilaanyo u yahay oon dhicin, oo Arirprtyadii, Dekedii & Wadankii xalaash-

aday Kuwa Hablaha Siilaanyo Qaba oo Moorgan1 & Moorgan2 Xukunkii Gacanta ku dhigay.

Siilaanyo waa ma xishoode Dastuurkii & Sharcigii Wadanka laalay, oo kolba wixii u dana Islaantiisa & Kuwa

Hablaha ka qaba & Wasiirada uu adeerka u yahay Digreeto ku soo saara, Laakiin Ilaahay wuu ka kashifaa

oo uuma hir gasho.

Dekedii & Airportkii Wasiir Muhanad & Moorgan uu uu Siilaanyo u xaraashay, waataa Dekedii Albaabadii is

garacayaan ee Wasiiradii qireen in Dekedii waxba ku kordhin intii horana xidhantay.

Siilaanyo Ilaahay ayaa kashifay, Beenta uu u ku dhaartay ee Shicibkuna ku aamineen, oo waataa Hadal &

Hugun & salaan aan laga hayn, hadana Reerkiisa & Tolkii Xoola Xaaraan u raadinaya ee Diyaaradaha u raacaya

Ilaahayna waakaa aamusiyey ee Xiitaa Salaan aan odhan karayn.

Bal Hadaba, Shicibka Somaliland Kulmiye & Siilaanypo wey eedeen, hadana Muuse Dagaal ooge oo Qori &

dagaal & Dhiig mooyee aan Xukun kale aqoon, oo Dhulbahante & Warsangeli ugu baanay Kursiga waanu idiin

barinay Cali warancade waau uga kicinay oonu uga barinay Yaasin Faradoon, Awdal & Gadabauursina ku haysta

deegaanadoodii & Goobaha laysku haysta, oo weliba Seemaal & Dilana dhiigoodi daadiyey, ayuu intuu Umada

is hor taago Cod isiiya ku andacoonayaa, oo weliba Qabyaalad qaar ma Xishoodayaal ah, wax iskuma falooyin

ahi ku barbar socdaan, waa Jamaalkii Saqiiray ee Geeliisu muuse u galay, waa Samaale oo Hantidii Umada ee

uu aayadaha Quraanka ku xalaashan jiray Cuqubadiisii Hoos dhigtay Muuse Duca diid, oo qabyaalad ugu sacab

tumaya, Cali Gurey oo Ciro baaqatay oo Calool Xumo & qabyaalad Cimrigiisi ku dhamaystay, Subxaanalaa.

Hadaba, Shicibka Somaliland Siilaanyo & Kulmiye may mahadin ee waataa, Aduunyadii & Ictiraafkii soo oodmay

waataa, Dekedii is xidhay, waataa Sixir-barar beerka Gaajada danyartii dhulka ku hayso, waataa Haraad, abaar

& tahriib & Dagaal Beeleedyo umadii ku madhatay.

kolkaas Reer Somaliland Siilaanyo & kulmiye wey eedeen, kolkaasay Dagaal Ooge Muuse Duca diid oo Kulmiye

weliba ka ugu xun qabyaalad Tolaay, & hantidii shicibka xoog ku haysta loo sacab tumayaa, oo Umada uu cod

ka doonayaa, hadhaw Yaan qoomamo & ciil fartiinu Somaliland Xabad & Qori & aroon idiin dhalin.

Aniga qoray, Kulmiye & Siilaanyo waxay Somaliland badeen cid kastaa og, Muuse Dagaal Ooge, anigoo wax

dili kara duca qaadan maayana wuu isu wanaajinayaa, Umul baa ilawda Eedaadka soo maray, Muuse Dib u

raaca taariikhdiisa Somalilandeey.

HCTV isna yuu magaciisa & Dadkii daawanyey isku nacsiin guul-wadaynta Muuse Biixi, oo TV,Qaranka ayaa

loo nacay Kacaamayn & Guulwadayn, ee TV,HCTV, guna isna ma Cadaani ooyaaye ayaa Xukuma, sawkan Muuse

uun Umadii hor wada, mee dhaxdhexaadintii uu sheegan jiray, ee Labadii Xisbi ee kale ee Wadani & Ucid looga

waayey.

Wabilaahi Tawfiiq.