Somaliland maalin kasta mucjisooyin baa ka dhacaya horteena aan madaxdan iyo tijaartan

Filed under: Articles-Maqaallo |

Somaliland maalin kasta mucjisooyin baa ka dhacaya horteena aan madaxdan iyo tijaartan qafladdu qaadatay aanay indhahooda iyo caqligoodu arkaynin oo shaydaan ka daboolay.

Dhacdan u dambaysay ee ku waajahan arinkii isdaba marinta doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa ilaahay ina tusay in Allah ha u naxariistee Cabdirahmaan Talyanle ku fadhiyi lahaa Gudoomiyanimada wax yar oo sidaan filayo Bashe M Farah oo uu hal cod Cabdirahmaan Talyanle kaga helay Bashe, isla markaa uu kursigoo u xalaala Bashe ku Fadhiisan lahaa halka imika Bashe badhidiisa iyo kursigu aanay is ogolayn oo maadaama si sharciga baal marsan u kulmeen.
Haddaad diinteena wanaagsan u fiirsatid waqtigii Rasuulkeenu Madiina joogay(SCW) ayaa waxaa maalin maalmaha ka mid ahayd dhacay qisadan Bashe iyo Marxuumkeenii Talyanle(AHN) ka dhex dhacday oo kale. Nin saxaabiya ayaa Masaajidkii Nebiga(scw) u soo salaad tegay isagoo faraskiisii wata. Markaasuu faraskii ku xidhay debedda Masjidka oo salaaddii u degdegay. Faraska saxaabiga waxaa ku madaxiisa iyo qortiisa waxayaalaa fardaha lagu qurxiyo; masaajidka hortiisa waxaa fadhiyey nin dewersanaayey oo go yar dhigtay laakiin tuug ahaa. Saxaabigii markuu masjidkii gudaha joogo ayuu jeebkiisa lacag ku jirtay oo islahaa miskiinkaa sii oo la soo dhaafay iyuu ku fikiray inuu siiyo markuu masjidka soo baxoba. Ninkii dewersanay ee tuugga ahaa markii uu dadkii ku hubsaday inay salaaddii wada galeen oo dhaqaaqu yaryay ayuu qalabkii faraska ku xidhnaa furtay oo xaday oo suuqii Madiina u iibgeeyey. Saxaabigii oo lacagtii isle ninkii sii ayaa ninkii waayey, arkayna in faraskiisii qalabkii laga xaday; markaasuu suuqii u degdegay oo markiiba helay halkuu ka iibiyey tuuggii qalabkii. Tuuggii wuxuu qalabkii ku iibiyey qaddar lacaga oo naqan oo leeg intuu uu Saxaabigu ugu talagalay. Qasadani diiniga ahi waxay ka markgaati kacaysaa hadalka Illaahay ee leh QOF WALBA ARSAAQDIISA HORAA LOO QORAY LAAKIIN INUU XAARAAN KU QAATO AMA XALAAL ISAGAA GO’AANKA ISKA LEH. IMIKA BASHE M FARAH IYO KULMIYE KURSIGA MARXUUM TALYANLE WAA U QORNAA INAY QAATAAN LAAKIIN XALAASHII MAY SUGINA XAARAANTIIBAY U DEGDEGEEN OO DOORBIDEEN MAANTAY IS CIIL KAAMBIYAYAAN OO DEMBI WEYN UUN BAY KORODHSADEEN.
Imika waxaa la gudboon Bashe in uu ummadda reer SOMALILAND
IMIKA WAXAA LA GUDBOON inuu saamsxaad weydiisdo