Tixdan: Kulmiye Caade Qaate Weeye, Sawkaa Caruurtii, Caamiyihii, Curyaankii & Cadradihiiba Calafkoodii Gooyee, Dekedii Cadayd Curyaanshee Carab Dumaal u siiyee, Siilaanyo, Moorgan, Samsam, Muhnad & Sacad & Caade Qaate Miidhan Calooshoodii Gashaye, Maal Xaaraana Siisteen.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Siilaanyo Weligiiba Hays Nasakho, oo Warbaahinta & Wararka Hayska Diido, Wadankii Wada Xaraashay.

Siilaanyo Warqad Weligii Ha Sito, oo Shicibka Beena Haw Sheego, Sawkaa Dekedii & Dalkiiba Iibshay.

Siilaanyo Weligii Wariyaha ha diido, Sawkaa Islaantiisa, Moorgan, Muhanad & Samsam Doollarkii Wada Siiyey.

Siilaanyo Weligiiba Shicibka Sixir-bararku Waalay, inta uu is diidsiiyo, Isaguna Doollar Dibada Ha soo dhigto.

Siilaanyo Weligii Hays Dhagooleeyo, Shicibkuna Haraad, Sixir-barar & Saxariir Hala Sanaadhaan.

Siilaanyo Dekedii Cadayd Carab haku Wareejo, oo Caruurtii, Caamyihii, Curyaankii Cuntadii Haka gooyo.

Siilaanyo Dekedii & Dalkii ha xaraasho, oo Malaayiin Doollar ha siisto, oo Debedaha & Acountyo ku soo xidho.

Siilaanyo Dalkii & Dadkii Doollar buu wada siistay, Debedaha ayuu ku soo dabooshay, oo Diyaaradana u raacaa.

Siilaanyo Dalkii & Dadkii oo uu Dabar Gooyey ayuu ka degeyaa, oo Sixir-barar, Gaajo & Haraad aafeeyey Dadkii.

Siilaanyo Somaliland wey eedeey, oo waa kaa Qabyaalad, Nin Jeclaysi, Xarran Xaqul-Qalin, Xabad & Xadhig ku

Sagootiyey.

Siilaanyo Sixir-barar, Abaar, Soomal-Haad, Haraad, Gaajo, Tahriib, Xaraash, Xaqul-Qalin, Xabad, Xadhig & RRU

ayuu Wadankii ku sagootiyey.

Kulmiye waa wada caade qaatee, Wasiir Cadaani oo Calyada, Cayda & Cantabka & Cunfiga uu ku caabdayo

Caruurtu ay kaba yaabto.

Kulmiye Muuse Digriyaaya, Dagaal Ooge ku suntan, Duca Diid Habaar Qaate ah ayey waa Mujaahid baanu

Wadnaa ay sidii Wax waalan walqiyaan.

Kulmiye wuu kadeedan yahay, Wadankii Kawaankuu Wada Saaray, Dekedii, Daarihii, Dugsiyadii, Geg-Diyaaradha

kolkaasay Dalka Waanu dhisanaynaa ee na doorta ay ku danaaniyaan.

Kulmiye Muuse Dagaal ooge, Shaani Qarxiyo, Xoog & Xabad mooyee aan Xishoodba aqoon, ayey Xaafadaha hor

Wadaan.

Kulmiye Kuwa Wadankii wada iibshay, Xaalufiyey, ee Xaaraantii ka xishoon ayey Xafladaha ku amaanaan.

Kulmiye, Samsam, Muhnad, Moorgan, Sacad, Cali-Mareexaan & Muuse oo Dekedii Dabarkeedaba gooyey

ayey Xalaal Quutayaal & Xalay Dhalay kuba sheegaan.

Kulmiye Siilaanyo Umadii Kaba seexday, oo Reerkiisa & Kuwa wadankiiba Xaraashay Xaaraanta & Xaqdarada

ugu saxeexa, oo Islaantiisa, Samdsam, Moorgan, Maxamuud Xaashi, Cali-Mareexaan, Sacad Shire & Muuse

oo Wada Cada Qaatee, Calaamad Munaafaq, Cay, Boob, Dhac, Xaaraan, Xoola Boob, Xaraash iyagoo Wada

xaaraan, Shaadhkooda, Googaradahooda, Calooshooda & Hugooda & Hooygooda & ungurigooduba wada

yahay Xoolihii Umada, Cashuurtii Danyarta, Qaadhaankii abaarta oo Xaaraan Kuwada Labisan, Calafkooduba

yahay Dhiiga Shacabka ayey Wasiir Cadaani caade Qaate, ayey ku soo cabeeyaan orodoo soo cabaad oo soo

caytan ilayn Caaqiiba ma lihide, Kolkaasu Cantabka & Duufka & Dhareeka uu daadiyaa Ilayn Doqoniimo ayaa

Loo soo diraa aan damqanaynin weeye.

Kulmiye Waa l eeday, oo wadankii waakaa xaraashay, Dekedii Berberi sawtaa Curyaantay, ee caada qaate

miidhan ay Carab ka iibsheen, Siilaanyo & Aamina weris, Moorgan, Muhanad, SamSam, Cali-areexaan, Sacad

& calooshayaal u shaqaystayaal, aduun & aakhirba ala maxaa Cadaab & Naar & Olol & aakhiro seeg u sii yaala.

Aniga qoray ee Ilaahayaw Siilaanyo oo is nasakhaya, Wadankiina Doollar siistay & Kulmiye oo kadeedan oo

oo Xaaraanta kuba faana, isugu hambalyeeya, Fariido & Jano & Khayr inay heleen ku faana xaaraanta

Xaqul-qalinkii Berbera ilaahay ha dhaafiyo, inagumana soo celiyo, Muuse oo Xaaraanta ay u dheerta tahay

Dagaal oge, Duca Diid & Tolaay yaa Reer Hebela ah.

Wabilaahi Tawfiiq.