Wasiir Maxamuud Xashi Cabdi Qormada Hadimo iyo Hagardaamo Qaran,Warbixin iftiiminaysa Khaladadkii uu Dalka ka Galay iyo Miisanka u Bulshada ku Dhex-leeyahay Wasiir Xashi W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi

Filed under: Articles-Maqaallo,Community |

Qormadan waxaan ugu magac-daray hagardaamo iyo hadimo qaran,

Qormadan waxaan diirada ku saari-donaa xaqiiqooyin Badan oo aynu kusoo bandhigi doono hagardamoyin iyo hadimiyoonka uu qaranka u gaystay wasiirka madaxtoyada somalilad MD, Maxamuud xaashi Cabdi

Qormadeenani waxay noqon dontaa mid taxane ah, oo aynu ku kusoo bandhigi doono, tariikhda iyo soyaalka madow ee wasiir maxmuud xashi cabdi waxay ka koobanan-dontaa qaybahan hoos ku xusan

1-tariikhda madow ee wasiir maxamuud xashi iyo wakhtiyadii dawladii madaxwayne cigaal
2-maxmuud xashi iyo Degmada uu kasoo jeedo ee OOG iyo horumar la,aanta degmadaasi ka jirta.
3-maxmuud xashi iyo dhibtii qaranka uu gadhsiyay intii uu hayay xilka wasarada duulista iyo eedaha musuqmasuq
4- maxamuud xashi iyo mashruuca DBworld iyo dekada berbera danaha shaqsiga ah ee ugu dhex-muuqday
5-maxamuud xashi iyo intii uu hayay xilka wasarada madaxtoyada iyo mustaqbalkiisa xisbiga kulmiye=-taxanaheena wuxu ka koobanyahay 5ta-qodob ee aan sare ku xusay

Qaybta 1aad

1-Tariikhda madow ee wasiir maxamuud xashi iyo wakhtiyadii dawladii madaxwayne cigaal-
Waa kuma wasiir maxamuud xashi Cabdi?

Bal aynu dib u milicsano soyaalka tariikheed ee noloshiisa!

Maxamuud xashi wuxu kuso barbaaray dhalinyaro-nimadiisi magalada burco ee xarunta gobolka tog-dheer

Waxbarashadiisi dugsiga hose/ dhexe wuxu kuso qaatay dugsiga shiikh yusuf alkaynuun ee burco, halka dugsiga sare uu ku qaatay shiikh bashiir burco

Sanadkii 1984-kii wuxuu ka mid aha koox dhalinyaro ah, oo ka baxay magalada burco.kuna biiray jabhadii xaq-udirirka ee SNM,

Sanadkii 1991-kii wuxu noqday mayarkii degmada burco, sanadkii 1993-kii wuxuu kamid noqday gollaha wakiilada somaliland halkaas oo ahayd halka uu kasoo galay saaxada siyasada somaliland

Maxamuud xashi wuxu ahaa shiikh wayn oo kamid ahaa. urur diimeedkii (itixaad) wuxu ahaan jiray nin ay ka muuqato diin, cibaado iyo sunadii rasuulka scw, maxamuud xashi-gii 1998-kii ma ah, Maxmuud xashi-ga manta ee 2017-ka marka aan sidaas leeyahay waxa ii muuqata inuu yahay nin is dhalan rogay oo muqaalkiisu uu ka duwanyahay kii shalay ee ahaan jiray shiikh ay diintu- ka muuqatay. muqaalkiisa guud wuxuu ahaa shiikh ay ka muuqatay haybada gadhka iyo calamadaha diinta arimaahsi waxa ku muujinaya sawiro laga qaaday xiligii gollaha wakiilada ee uu xibinta ka ahaa.
dad badan ayaa is waydiiya waxa badalay shaqsigan ee ka qaaday haybadii diinta iyo sababaha ku kalifay beenta iyo balan xumida .bahalka la dhaho jir-jiroolaha ayuunba is bad-badali jiray Cajiib’

Maxamuud xashi wakhtigii uu ahaa xildhibaan kamid ah gollaha wakiilada wuxuu ahaa nin midabo badan,oo marba waji cusub lasoo baxa, wuxuu ahaa nin ay madax-martay qabyaallada oo golle kasta iyo fagaare walba la taagan qabylad,aftahnimo iyo kala qoqobka bulshada somaliland

Arinta cajiibka ahi waxay ahayd markii uu mucaaridad iyo qabyaalad kala horyimi xukuumadi madaxwayne cigaal, wakhtigaas oo uu ahaa shiikh ay ka muuqato diintu, ayaa wuxu madaxwayne cigaal ugu magac daray naanaysta caanka noqotay ee USAMA.

Sababta uu madaxwayne cigaal ugu bixiyay magaca usama waxay tahay, madaama maxamud xashi ay ka muuqtay diin hadana uu ahaa nin meel walba qabyaalad la tagan oo leh tola-ayeey yaa reer hebel ah, waxa cigaal isu qaban wayday, ninkan shiikh ah ee diintu ka muuqato ee hadana meel walba qabyaalada iyo kala qaybinta bulshada la taagan
(Inkastoo uu durdur iyo dabaal tago ,hadana dofaar ma daahiro)

Arrinta ay Dad badani xasuustan waxa kamid ah, maxmuud xaahi oo liis kuso qortay magacyada iyo xilalka ay hayaan beel kamid ah beelaha somaliland ,wuxu subax walba gollah ka hor akhriyi jiray liis ay ku qoranyihiin magacyada,madaxwayne cigaal, gudomiyaha gollaha guurtida shiikh yusuf madar,wasiiro,agasimayaal,mareyayaal iwm
markii uu xildhibaanka ahaa wuxuu caqbad ku ahaa xukumadii madaxwayne cigaal,maxamuud xashi wuxuu wakhtigaasi kursiga xildhibaan ku matalayay degaanka OOG oo uu kasoo jeedo oo aanu waligiisa waxba ka qabanin ilaa iyo manta oo uu wasiirka madaxtoyada yahay abwaankii waynaa ee (Salaan carabey) ayaa markii uu rag reerkooda ah ,xil la jeclaaday ee markii ay xilkii qabteen dadkoodii iyo degaankoodii ku abaal xumadeen wuxu ka tiriyay gabaygii abaal-lawe maxamud wuxuu la midyahay raga degaankooda ku abaal xumaday maxamud wuxu gayaa gabygii abaal-lawe ee ahaa-
1-Qaylada xaduurkii ninkay xaraqday laabtaydu
2-xusul-duubka oradkii ninkaan dhab ugu xuurtobay
3-aayaha habar xabuusheey ninkii xiidka la i mooday
4-Guuraha Xanbaarada ninkii xagar idiin jeexay
5-jilabkii xadhaadha ninkaan ugu xajiimoday
6-guutada xamaaska sidii xabashi dulaan ah…………… halkaas ayuu gabaygii abaal-lawe mariyay abwaanku, maxamud xashi deeganka uu kasoo jeeda wuxuu ka yahay abal-xume

Malin kamid ah bishii may/2002-dii waxa lagu dhawaqay asaska xisbiga kulmiye oo uu hogaamin-dono siyasiga caanka ah axmed maxmed maxmuud sillanyo iminkana ah madaxwaynaha somaliland,maxamuud xashi waxa uu kamid aha kooxdii axmed siilanyo la yag-leeshay xisbiga kulmiye,hase yeshee dorashdii 2003-dii ee xisbiga kulmiye ku guuldaraystay waxa guuldaradaas loo nisbeeyay xubno uu kamid yahay wasiir xashi oo lagu eedeyay inuu si khaldan u maamulay dhaqalihii loogu talo galay kaanbaynka xisbiga ee gobolka sanaag, madaama uu xisbiga u qabilsanaa ololaha gobolka sanaag,khilafkaas isaga iyo xisbiga soo kala dhexgalay wuxu ahaa mid uu saxada xisbiga kaga maqnaa tan iyo 2010-kii
sanadkii 2003-dii wasiir xashi waxa uu tagay dalka south africa isago markii danbena degaansho ka helay dalka ingiiriska gaar ahaan magalada Birmingham ee casimada laabad ee dalka ingiriiska, xataa wakhtigaasi marnaba dib uguma soo laaban degaankii uu kursiga ku matalayay ila uu wakhtigu ka dhamaday 2005-tii oo golle cusub lasoo doortay
maxamuud xashi waxa uu dalka kusoo labtay dorashdii 2010-kii wax yar uun ka hor,

Guushi uu xisbigu hantiyay dorashdii 26/6/2010-kii waxa uu ahaa ragi aan guure iyo gucle-toona u galin guushii xisbiga lkn uu madaxwayne siilanyo ku taxay mansabka xilleed ee xukumadiisa

Maxamuud xashi dadka aqoonta dheer u leh waxay ku tilmamaan nin balan xun oo runtiisu yartahay,wa nin aftahan ah oo aan hadlkiisu ka turjamayn xaqiiqada iyo wacyiga jira blse yaqaana faanka iyo golle ka maahmaha,wa nin jecel inuu hadlkiisa ku daboolo dhaliishiisa faraha badan isla markana amaan jecel

halku-dhigii somaliyeed aya ahaa (Nin madluub ah oo goolle ka faan sheegtay wuxuu idiin qarinayaa wa amuurihiisi)

Waxa lagu tilmaama masuulka ugu musuqmasuqa badan xukumada somaliland arrintaas waxan si faahfahsan ugaga hadli donaa mawduuca kan xiga oo aan kaga hadli doono hagardamada wasarada duulista iyo hawada somaliland iyo musuqmasuqii hadheeyay wasaradasi ee maxmuud xashi ka hirgaliyay
manta maxamuud wa maal-qabeen 7 sano ku tijaaray ,wixii ka horeyay bilashadii xukamadan hayntiisa dhaqaale ma fiicnayn blse manta dhaxal fiican ayuu ka tagi donaa. arimaahas waxaan iyagana kaga hadali donaa mawduuc-yadayda soo socda

intaas waxan kusoo kobayaa qormadeena kowaad

Qoraalkaygan waxa ka reeban wax kasta oo xaqiiqada bal marsan sidoo kale wixii xaqiiqo ah, kama noqon doono hagrada ee runta ayuu qalinkaygu qori-donaa

qaraalkan waxa diyariyay Mustafe axmed maxamed Geedi
Lasoco qaybta 2aad

W/Q. Mustafe axmed maxmed Geedi

mustafea179@gmail.com