Wasiirada Siilaanyo Adeerka u yahay Awooda & Kibirka waxay kaga Dareen, Bahdilaada ay Wasiirada a Midka Bahdilayaa, Bal Wasiirkii Duulista oo Cali Mareexaan intuu Kaladhka Soo Qabtay, Warbaahinta Horteeda Igu Raali Gali, Hadii Kale waa lagu furayaa.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxaan Maqli Jiray bargii Casri Jaahilkii Marka Dumarka La Furayo Dhigta ayey qabsan jireen, Bal arinta

maanta Airportka Hargeysa ka dhacday, ee Wixii Damiir lehba damaqday, Wasiir Cali Mareexaan oo Wasiir

la mid ah oo Madaxweyne wada magacaabay uugu tar sheegtay Adeerkay Siilaanyo ayaa awood isiiyey aan

ku eryo, hadii aanad Tv,yada & Umada hortooda igu raali gelin, Subxaanalaa.

Horaa loo yidhi mar bay geeridu nolsha dhaantaa, Bal Wasiirka Farxaan ee Duulista bal bahdilaada Wasiirka

Jaahilka ee Cali Mareexaan ee ugu hanjabay waan ku eryayaa hadaanad i raali gelin, saw uuma dhaanto oo

Sharaf & magac umay ahaateen waar xilka iqaad magacyga ayaa iiga wanaagsan, Gumeysi & hoos iiga hogo.

Wasiir axamuud Xaashi ayaa hore Dadka u eryi jiray, oo Wasiiro dhawra Airportka ka eryey, Cali Mareexaan

waa kaa Maanta isna ku bahdilay Umada & Warbaahinta horteeda Wasiir la mida.

Sidaas darteed, asiirka Duulista waxa u fiican sharaftiisii Airportka ayuu Cali Mareexaan ku gawracay inuu

is casilo oo aanu Umada la hor iman Wasiir la siman Wasiirada kale ayaan ahay, Waayo Cali Khadiijo ayaa

intuu Tunka soo qabtay, Cunahana qabtay, oo warbaahinta loo diiday keenay oo yidhi hadal oo i raali geli.

Siilaanyo & Wasiirada uu adeerka u yahay & Xukuumada Kulmiye maxaa ceeb, fool xumo & isu awood

sheegasho & Fadeexad, Bal Burco & wixii maanta ka dhacay ee laysku eedaynay Lacagtii Umada adaa dhacay

& adaa dhacay, Waa Xukuumada Odeygii ka bukooday oo aanu waxba ogeyn, waa haday Dawo bukooto

maxaa lagu dabiiba, waa Xukuumada qof kastaa siduu doonayo Wadankii u dhacayo, Sharci qabtaana Jirin.

Ilaahaw Somaliland Dawlad sidan u dhaanta oo degdega u keen, Kuwana haku soo celin, Aamiin.

Wabilaahi Tawfiiq.

Asha Jama