“..Wasiir Maxamuud Xaashi waa Masuulka Keliyee NAANAYS kula Baxay Beenta Iyo Ballan-daridda..” Siyaasi Axmed Xasan Cali (Axmed-Like)

Filed under: Community,Latest News |

Siyaasi Axmed Xasan Cali (Axmed Like), ayaa Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ku tilmaamay inuu yahay masuulka keliyee Xukuumadda Siilaanyo intuu ay jirtay naanays kula baxay beenta iyo balandarida, isla markaana ku siffeeyey hadalladii kasoo yeedhay Wasiirkaas, kuwo ka aradan aqoon iyo caqli intaba, oo Nin masuul sheeganaya sidiisa ku hadlo.

Siyaasi Axmed Xasan Cali (Axmed Like), oo ka tirsan masuuliyiinta sarre ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, oo daba-socday khudbad Wasiirka Madaxtooyadda ka jeediyey Xaflad loo qabtay Ciidamada Bad-demiska Somaliland, taasoo Wasiirku ku sheegay in aanu jirin dhul la xaraashay iyo hanti la iibiyey midkoodna, isla markaana hadii cid arrimaha caddeyn u haysaa jiraan ay dibeda soo dhigan.  Haddaba, Siyaasi Axmed Xasan Cali (Axmed Like), oo Xalay soo saaray qoraal arrinkaa ka hadlaya, Wasiirka Madaxtooyadda-na uu ku naqdiyayow, waxa uu soo bandhigay ama tusaalayaal usoo qaatay Guryaha iyo hantida Qaranka ee cid gaar ah laga iibiyey, iyadoo sida sharcigu dhigayo aan la marin guddida qandaraasyada qaranka, waxa uu ku yidhi qoraalkiisa sidan:

“..Horta Maxamuud waa masuulka keliya ee naanays kula baxay Beenta, hadiise uu intaa ku joogi waayey, oo intuu fagaare isa-soo taagay, yidhi wax la boobay iyo dal la xaraashay toona ma jiro, ee hadii ay jirtoo cid haysaa wax la dhacay iyo wax la xaraashay badka ha keenaan, isagoo weliba bulshada indheheeda iyo caqligeeda qabtaa Garsoore u qabsaday.

Haddaba, Waxaan leeyahay waxa wanaagsan, marka hore inaaynu fahanno bulshaduna kala garato, waxa uu ka hadlay Wasiir Maxamuud Xaashi inaanay ahayn Shandada Gurigiisa laga xadday intaa uu Tuug u dhacay, balse waxaynu ka hadlaynaa waa Hanti iyo maal qaran, oo masuuliyadiisuna saran tahay kolbaa dawladda joogtaa, sidaa awgeed waxa dhacday mudadii Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo tallada wadanka haysay, ee isagguna (Wasiir Maxamuud Xaashi) weliba ahaa Wasiirka Madaxtooyadda Musuq-maasuqii ugu tiro iyo cadadka badnaa, oo aan kow iyo laba la odhan karin, hadiise laga tagi waayo, oo siduu yidhi isaggu weliba markhaati u baahan yahay.

Waxa siffo sharci darro ah oo aan Dastuurka waafaqsanayn loo Iibiyey hanti Qaranka Somaliland leeyahay, oo ah Guryo iyo dhul intaba, Tusaale ahaan afar iyo toban al-baab oo ka tirsan Guryaha Laynd-ka Booliska Hargeysa, waxa laga Iibiyey Ganacsade, iyadoo sida Dastuurku dhigayo aan la marin guddida qandaraasyada qaranka, si bulshaddu ugu tartanto, taasoo kamid ah xuquuqaha aasaasi ah ee Dastuurku siiyey muwaadiniinta awoodi kara, inay ka qaybqaatan tartanka, waxa kaloo dhacday, oo iyana siffaha xaaranta ah lagu bixiyey Warshadii Laydhka Berbera, Warshada Berbera Sibidhka iyo dhulkii Xeryaha Ciidamada ahaa ee Berbera, waxaynu og nahay, oo cid walbaa ka war qabtaa Guryihii ku yaalay shacab Eeriya oo dhan, intaa waxa dheer oo umaddu markhaati ka tahay, Haamihii Kaydka Shidaalka Qaranka. Hantida qaranku lahaa ee aynu sheegnay dhamaantood ma jiro mid keliya oo la mariyey guddida qandaraasyada qaranka, sidoo kale majiro hantida qaranku lahaa ee la Iibiyey mid keliya oo Lacagtiisu ku dhacday Qasnada dawladda dhexe oo Maanta Miisaaniyadda ka muuqda, Waxa kaloo jirta oo laga wada war qabaa siffihii lagu wareejiyey Dekedda Berbera iyo Madaarka.

Haddaba, iswaydiintu waxay tahay Markhaatiga waxaas dhacay ka weyn, ee Maxamuud Xaashi doonaya, muxuu yahay?. Taa waxa ka daran, oo hadalkii Maxamuud Xaashii ku jiray in wax la dhacay iyo in wax la boobay waxa ka garniqi doonaa Bulshada, waxan’se Maxamuud Xaashow Fallaadhi Gil-gilasho kaagama Go’do, horaa loo yidhi Abas kuul Meel ma wada joogto warna iskuma seegan, shaqsi markay noqoto, waxaad ku suntan tahay Ninka ugu Musuqa iyo wax isdaba marinta badan, malaha Xantaada waad moogtee, Bulshada waxay ku taqaanaa Maxamuud kula lihi, oo Ninkastaa oo mashruuc kula soo mara ama hawlwada, waxaad tidhaahdaa 20% isii.

Teeda kale, xaraashka iyo iibka markhaatiga u doonayso, bulshadana Garsooraha uga dhigtay, iyanna waxay i xasuusisay, Ninkii ay isdileen intuu xiniinyaha qabtay, yidhi imisaanu lahayn joog, haduu is xoodayaa, dabeedna Nin saddexaad oo dul yimi, ayaa isna yidhi waar Ninka xagaad haysaa, markaasu ku jawaabay waxaan hayaa Xiniinyaha. Dabadeedna Ninkiiba intuu yaabay ku yidhi hadaad Ninka xiniinyaha hayso, Dee aamus oo HAY, maxaad la qaylinaysaa. Imika Maxamuud Xaashow, ma adigoo qaranka Xiniinyaha haya oo waxaad dhul, bad iyo cir faasaxday og ayaad markhaati doonaysaa, ma ahayn inaad hadasho, ee waxaad ku haboonayn sida Ninkaa inaad hayso Xiniinyaha qaranka oo aamusto. Bulshada aad markhaatiga gashatayna mid ayaan ka odhanaya bulshadu maha tii shalay, shacabka codaynayaana waa dhalinyaradii waxbaratay, waanay og yihiin qaranka Ninka hagar-daamadda ku ah iyo ka wax u qabanaya..”. Sidaas ayuu ku yidhi qoraalkiisa Siyaasi Axmed Xasan Cali Like.

 

Burcomedia Office