YAAB: Cod Sir Ah Oo Laga Helay Shirkii Beelaha Isbahaysiga Jeegaanta Iyo Cidda Uu Muuse Biixi Ku Wareejin Doono Booska Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Filed under: Community,Featured News,Latest News |

Cod sir ah oo si qarsoodi ah looga duubay Kulankii Albaabadu u xidhnaayeen

 

ee Burco ku dhex maray Beelaha Habar Awal iyo Habar Jeclo ka hor intaanay soo saarin qodobada heshiiska shirkaasi ee Warbaahinta laga sii daayay ayaa hadda laga ogaaday cidda rasmiga ah ee uu Gudoomiyaha Ahna Musharaxa Xisiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku wareejin doono Booska Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo rag door ah oo ka soo jeeda Beelaha Bariga Burco u hanqal taagayaan.

Hadaba Qodob Xasaasi ah oo aan lagu faah faahin warmurtiyeedkii shirkaasi ka soo baxay ee Warbaahinta laga siidaayay ayaa waxa aanu kala soo dhex baxnay Cod sir ah oo shirkaasi laga helay oo warbaahinta Xalay la soo galiyay,Waxaana qodobkaasi uu ka hadlayaa oo ay si gaar ah iskula jeex jeexeen Ergooyinkii Shirkaasi ka qayb gashay ee kumatalaysay beelaha Habar Awal iyo Habar Jeclo ee Burco ka qabsoomay bishan Oktobar 8-deedii Wareejinta booska Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo uu hadda hayo Muuse Biixi Cabdi oo ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye islamarkaana uu hadal hayn badani ka taagnaa bilihii u dambeeyay,waxaanay labada Beelood Qodobkaasi ugu istaageen si gaar ah iyagoo Salaadiinta Ergada Beelaha Habar jeclo carabka ku adkaysay in Qodobkaasi si gaar ah loo dhawro, fulintiisana laga sugayo Salaadiinta iyo Dhaqanka Beelaha Subeer Awal,Kadib marka ay qabsoonto Doorashada madaxtooyadda oo loo qoondeeyay inay dalka ka qabsoonto 13-bishan fooda inagu soo haysa oo ay labaataneeye maalmood inaga xigaan.

 

Mid ka mid ah Ergadii Dhaqanka ee Beelaha Habar Jeclo oo Qodobkaasi ka hadlaya una akhrinaya Ergada Beelaha Habar Awal ayaa waxa uu yidhi”Waxaad haysaana waad nagu soo wareejinaysaan,Waxaanu haynana waanu idinku wareejinaynaa,Qodobku waxa weeyaan waan akhrinayaa,Waa Qodob la isla fahmayo,laakiin waan akhrinayaa,Si aanu Hadhaw Muran u iman,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Beelaha Subeer Awal waxay ku wareejin doonaan Marka uu Murashax Madaxweynuhu Xilka Madaxweyne Qabto Insha Allah,Waxay Booskaasi ku wareejin Doonaan Beelaha Habar Jeclo,Waxaana ka wakiil ah oo lagu wareejin doonaa,illayn Suuqa la dhigi maayee, Salaadiinta,Boqorada iyo Gudida Guud ee Beelaha Habarjeclo,kuwaasi ayaa ka wakiila ah Habar Jeclo oo dhan oo lagu soo wareejinayaa”.

Sikastaba hanoqotee,Waxa booskaasi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Dabadii u hanqal taagaya inay Qabtaan saddex Siyaasi oo ka soo jeeda Bariga Burco islamarkaana hadda ka wada tirsan Xisbiga Kulmiye,Waana Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi,Gudoomiye Xigeenka Koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi,kuwaasi oo loolan hoose ku raadcaynayay kasbashada Booskaasi iyagoo qaar ka mid ahi ay doonayeen inay booskaasi ku calaf qaadaan ka hor intaanay doorashaduba dhicin balse waxay hadda muuqataa inuu booskaasi hanashadiisu u gudbay dhinaca dhaqanka iyo Gudida Beelaha Habar jeclo oo aan la ogayn,lana saadaalin Karin sida hadhaw u bixin doonaan booskaasi iyo cidda ay u garan doonaan.