Xumaha Waxa Sababa, Wada-Tashi Iyo Toosin La’aanta: Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Casaa an takrahu shay-“an wahuwa khayrunl lakum wacasaa “an tuxibbu shay-“an wa-huwa sharrunl lakum wa-Allahu yaclamu wa-“antum la taclamuna} Surat Al Baqarah (2) – Aayah 216

Bal aan taariikh gaaban ku iftiimino, xaaladda maamul  ee Dalku ku sugan yahay, laga soo bilaabo shirkii Beelaha Somaliland ee Burco, 27 April ilaa 15 May 1991kii. Waa muddadii madax-bannaanida Dalka markaan dib ula soo noqonay.

Muddadaa waxa talada Dalka soo qabtay, affar Madaxweyne. Laba geeriyooday (A H N) iyo laba maanta nool. Qoraalkan, waxa aynu ku lafa-guri, maamulkii Madaxweyne Rayaale, oo aynu ku falanqayn, tusaalooyin koob-koban.

Madaxda sare ee Dalka, waxa lagu dhaariyaa, in ay daacad u yihiin: Diinta Islaamka, Dalka Somaliland iyo in ay dadkiisa sinaan ku maamulaan inta ay xilka hayaan. Alla ka cabsigu waa dabar adag, waana dawga quman ee lagu rumeeyo Dhaarta, laguna kasbo camal suuban. Mudnaanta waxa leh: Nabad-gelyada, horumarka iyo daryeelka dadweynaha.

Maamulkii Madaxweyne Rayaale wuxu ahaa, mid aragti gaaban oo ka qatan xaalad-nololeed ee dadweynaha uu madaxda u yahay. Tusaale, wasiirkisii maaliyaddu, wuxu xaffiiskiisa fadhiistay, siddeed iyo konton (58) maal-mood oo qudha, muddadii uu xilka hayay oo ahayd toddoba sano    (7 sano). Fasahaadka uu ku jiray, waxa ka mid ahaa guri weyn uu ku leeyahay, Nairobi Kenya iyo qalab qaali ah oo la yaab leh uu guri dhigtay.  Gaadhi “bullet-proof” ah, oo dayaarad la soo saaray, United Arab Emirate ilaa Nairobi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Rayaale iyo qoyskiisii, waxa ay hadda ku noolyihiin France, oo ah Dal nolashiisu aad qaali u tahay. Xaaladdasi waxa ay daaha ka FAYDDAY, in Rayaale adduun badan Dalka ka la baxay. Maamul xumada iyo Musuq-maasuquna wuxu gaadhay heerkii ugu xumaa abid.

Bal aan bar-bar dhigno xaaladda adag ee nololeed iyo darxumada ku gadaaman guud ahaan, dadweynaha J.S.L. Shaqa la’aanta guud, siiba da’yarta oo ay xad-dhaaf tahay, nolosha oo qaali ah. oo la odhan karo waa hooyada TAHRIIBKA. Sida aan loo sinayn ee madaxda iyo shaqaaluhu u kala fogaadeen waxa aad ka akhriyi miisaaniyadaha Dawladda 2002 ilaa July 2010, oo ah muddadii Rayaale xilka hayay. Waxa aad ka dheehan, Mushaharka/Miisaaniyadda Qasrika Madaxtooyada uu qaadan jiray, oo ahaa: Sls 2.600,419,200 ama US$433,404 sannadkii, oo u dhiganta; $ 36,117 bishii. Halka Madaxweynaha U.S.A. uu qaato: $ 400,000 sannadkii ama $33,333 bishii. Rayaale wuxu dheeraa: Madaxweynaha US $ 2,784 bishii.

Madaxweyne Ku-Xigeenka Rayaalena, $ 15,989 bishi, oo ka badan mushaharka madaxda dawlahahan:- Spain $ 8,580. Portugal $ 10,811. Russia $10,211. Ethiopia $ 3,840. Angola                                     $ 4,707. Lasotho $3,680. Republic of China $ 886. Indonsia $ 10,347. South Korea $ 11,389.

Dalalkaas oo dhamaan, Somaliland ka dhaqaale sarreeya. Haddaba waxa is-weydiin leh, Dalkani ma qaadi karaa, mushahar laxaadkaa leh. Waxa qumanayd in ay u tudhaan Dalka iyo dadka oo mushaharka Madaxweynuhu noqdo $4,000 bishii Ku-xigeen kuna ahaado $ 3,000 bishii.

Hadda kuma jirin mushaharka Rayaale; kharash: Kiro guri, qalab guri/xafiis, martiqaad, saffar, dibad/gudo, laydh, biyo, gaadiid, shidaal, dirawal, waardiye, shaqaale, dayactir nooc uu yahay, caafimaad iwm. Dhamaan waxa laga bixiyaa Miisaaniyadaha Wasaaradda Madaxtooyada.

Bal iyana u fiirso sida nolosha madaxda iyo ta shaqaalaha/ciidamadu, u kala fogaadeen. Shaxdan baa kuu caddayn, marka aan Qoyskana ka soo qaad (ave) 7qof:

Waa xaalad fool xun oo cuqubo xambaarsan. Shaxdani waxa ay iftiimisay: Naxariis la’aanta  Madaxda Dalka. Qof aqoon sare iyo khibrad lihi ma hungureeyo shaqada dawladda. Tayo way dhimatay. Waxa shaqaaluhu ku nool yahay, KAABAYAAL; Ehelo, Shaqo labaad ama saddexaad, tuugo ama tuugsi. Intuba waxa ay ka go’an yihii xilkii loo igmaday iyo horumarka Dalka. Dhaxalku waa Maamul bur-bura iyo Dal duma. Maamulkii Rayaale wuxu qarka u saaraa bur-bur. Waxa Dalka bad-baadisay doorashadii June 2010 ee Rayaale lagu riday,

Dadku waa khayraadka ugu muhimsan ee ALLA ku mannaysto Dal. Waxa aan la daffiri karin xaalad saboolnimo iyo sicir bararka hadheeyay nolosha dadweynaha, Shaqa la’aanta iyo tahriibku, waa dhibaato halis ku ah horumarka iyo deganaanshaha Dalka.

Dastuurka Qod. 20, 1,3,5,6. SHAQADA, FARSAMADA, DARYEELKA, IYO BADBAADINTA, SHAQAALAHA:-                                                                                                                                                                   1). Shaqadu waxay xaq u leeyahay kuna waajib ah muwaadin kasta oo gudan kara. Sida darteed, dawladdu waxay xil iska saaraysaa shaqa abuuris iyo tayaynta tababarada shaqaalaha.

3). Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan………….

5).Shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sidaa waxay xaq u leeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan.

6). Dawladdu waxay horumarinaysaa habka taakulaynta, caymiska iyo bad-baadinta shaqaalaha, waxaanay xoojinaysaa hay’adaha ku shaqada leh.

Madaxdu ma akhriday qodobkan ama sharciyada Dalka guud ahaan ba? Dhibaatadii iyo bur-burkii, inna soo maray waa cib’ro wax lagu qaadan karo.

Markii Wasiirkii Maaliyadda  ee Madaxweyne Rayaale, yidhii DEYN BAA JIRTA, ayaa Madaxweyne  Axmed Maxamed u saaray, Guddi saddex-geesood ah oo ka kooban; Hanti-dhawrka, guddi G/Wakiilada iyo guddi Wasaaradda Maaliyadda ah, in ay soo baadhaan oo ay soo caddeeyaan jiritaanka Deynta  wasiirku sheegay.

Guddidu waxa ay baadhitaan kooda ka soo bilaabeen muddadii xilka Rayaale: 2002 ilaa july 2010. Markay kala jareen dakhligii dhabta ahaa iyo kharashkii dhabta ahaa, waxa soo baxay dheeri                          $ 53,791,587. Waxa intaa dheerayd, lacaga ay ahayd in xukuumaddu bixiso oo ayna bixin iyo khasaare ku yimid sabab xilkas darro iyo sharci burin, oo la mid ah lacagta la lunsaday. Sida ku cad shaxdan.

 

F.G: Maamul-Xumada iyo musuq-maasuqa baahay ee J.S.L. waxa u hooyo ah, kordhinta Muddo xilka ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda, si Dastuurka khilaafsan. Xukuumaddu, waa in ay doorashada ku qabataa wakhtigeeda. Waxa iyana dambi ah in Baarlamaanku dambiga, xil-gudasha la’aanta ku qaadi weydo xukuumadda.

 

Sida ku cad Dastuurka marnaba ma jirin duruufo adag oo doorashada loo baajiyaa:

Dastuurka qod. 42-3: Haddii doorashada G/Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa: Dagaal baahsan, Xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurrada faafa, abaaro culus; waxana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukuumaddu sidaa soo jeediyo.

Duruufahaasi ma dhicin. Waxa la odhan karaa, waa is-afgarad iyo danaysi ay wadaagaan Baarlamaanka Xildhibaanada Muxaafidka ah iyo Xukuumaddu. Waxa ay ka baajisaa, dhibaatada ololaha iyo kharashkii doorashada. Waxay se dhaawacdaa: Geeddi socodkii maamulka, Is-dheelitirkii saddexda Gole, KU DHAQANKII Dastuurka iyo sharciyada Dalka. Waxa ay jartay baahidi xil-dhibaanku u qabay dadkii doortay iyo degmadii (Constituency) laga doortay. Waxa ay noqotay muddo-kordhintu cadowga horumarka dalka iyo gaboodka tuugada.

Is-afgaradkii kuma ekka halka ee, XIISAAB-XIDH Miisaaniyadeed oo G/Wakiiladu ka DOODO waxa u dambaysay 2001kii. Taas oo lagu hubiyo in Xukuumaddu miisaaniyaddii u istimaashay sidii Goluhu ku ansixiyay. Wax ka beddelka, Madax/M-xige ee miisaaniyadda Goluhu ansixiyo, waa waajib Iyana in Golaha, dib loogu celiyo si uu u ansixiyo wax ka beddelkaas. Debacaasi aan laga doodin xisaab-xidhku wuxu bixiyay fursad adduun badan lagu lunsado.